Friday, October 18, 2024

Rwanda: Muwaadiniinta Afrika loogama baahna dal ku gal

Kigali (Dawan)- Dowladda Rwanda ayaa ku dhawaaqday in aan muwaadiniinta Afrika ee doonaya in ay yimaadaan Rwanda aan looga baahneyn dal ku gal, si loo xoojiyo dardargelinta socdaalka xorta ah iyo ganacsiga ka dhaxeeya dalalka Afrika.

Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame ayaa go’aankaan ka sheegay Shir Madaxeedka 23-aad ee Golaha Socdaalka iyo Dalxiiska Adduunka, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Afrika ay tahay meel loo dalxiis tago.

“Muwaadin kasta oo oo Afrikaan ah wuxuu diyaarad usoo raaci karaa Rwanda, xilliga uu doono iyada oo aan lagu xirin wax dal ku gal ah” ayuu yiri, Kagame.

Rwanda ayaa noqoneysa dalki afaraad ee go’aan nuucaan ah qaata kadib Gambia, Benin iyo Seychelles.

Dhinaca kale, sannadkii 2016-kii, Midowga Afrika ayaa bilaabay Baasaboorka Afrika, kaas oo la siiyay dublamaasiyiinta iyo saraakiisha Midowga Afrika ilaa iyo hadda, waxaana la qorsheynaya mustaqbalka in Afrika yeelato baasabor mideysan si looga baxo dhibaatada dhanka socdaalka loona xoojiyo ganacsiga Afika gudaheeda ah

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here