Sunday, September 8, 2024

Saadaalin.. Roobab mahiigaan ah oo kusoo wajahan Soomaaliya

Jabuuti (Dawan)- Xarunta Saadaasha Cimilada ee IGAD (ICPAC) ayaa soo saartay Saadaasha Cimilada ee 23-ka April ilaa 30-ka April 2024, iyadoo sheegtay in roobab mahiigaan la filaayo in ay ka da’aan qaybo badan oo ka mid ah Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

Galbeedka iyo woqooyiga Kenya, waqooyi-bari Uganda, iyo koonfurta Itoobiya, ayaa la sadaalinaya in ay sidoo kale ka da’aan roobab xooggan.

Saadaashu waxa ay tilmaamaysa in koonfurta iyo waqooyi-galbeed ee Soomaaliya uu ka da’i doono roob lagu qiyaasay inta u dhexeeya 50mm ilaa 200mm.

Roobka la filayo ayaa muhiim u ah Soomaaliya, gaar ahaan beeraleyda iyo xoola dhaqatada oo noloshoodo ku tiirsantahay xilli roobaadka, inkasta oo ay jirto cabsi ah in daadad xoogan ka dhashaan deegaanada qaar kuwaas oo saameyn ku yeelan doona nolosha dad fara badan.

Xarunta ka digista halis wadareedka ee hoos tagta Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ayaa sheegtay in laga casbi qabo in roobka la filaayo todobaadka ugu dambeeya bishaan uu sababo fatahaado ka dhasha Wabiyada iyo togoga soo rogmada.

Sida laga soo xigtay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada, roobabka mahiigaanka ah ee la filaayo in ay da’aan bilaha April ilaa June waxa ay saameyn ku yeelan doonaan ku dhawaad 770,000 oo qof oo ku kala nool 22 degmo oo ka tirsan Soomaaliya.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ay kala shaqeyneyso mas’uuliyiinta caafimaadka Soomaaliya dadaallada loogu jiro diyaar garowga wax looga qabanayo cudurada ka dhalan kara fatahaada, waxaana loo qorsheeyay lacag dhan $5.9 milyan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here