Sunday, September 8, 2024

Saalax oo Jowhar u tagay daah-furka biya xireenka Sabbuun

Jowhar (Dawan)- Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle waxaa maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, iyada oo ay garoonku kusoo dhaweeyeen Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe iyo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirrada.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska xukuumadda, ujeedka safarka Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ah u kuur-gelidda xaaladda shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deeggaanada Hirshabeelle iyo daah-furka mashruuca biyo xireenka Jowhar (Sabbuun).

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa lagu wadaa inta uu joogo magaalada Jowhar inuu kalamo la qaato qaybaha kala duwan ee bulshada, iyada oo diiradda la saari doono maamul wanaagga iyo wax ka qabashada horumarinta deegaanada kala duwan ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Shalay aya ahayd, markii Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe uu la kulmay wakiilo ka socday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, si uu ugu wareejiyo dhulka laga dhisayo xarunta ciidamada Danab ee Hirshabeelle.

Dowladda Mareykanka ayaa qorsheynaysa in ay dhsito ilaa shan saldhig oo cusub oo loogu talagalay ciidamada Soomaaliya, iyada oo lagu xoojinayo tayada ciidamada xoogga dalka , si looga hortago weerarada iyo howlgallada kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta Dowladda.

Shanta saldhig ayaa laga dhisi doonaa magaalooyinka Baydhabo, Dhuusamareeb, Jowhar, Kismaayo, iyo Muqdisho, sida ay Soomaaliya iyo Mareykanka ku heshiyeen 15-kii February 2024 

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here