Friday, October 18, 2024

Saalax oo sharci darro ku tilmaamay xildhibaanimadii laga qaaday

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa si adag uga jawaabay go’aanka lagaga qaaday xubinnimadiisii Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, isagoo ku tilmaamay go’aankaas mid sharci-darro ah.

War-murtiyeed uu soo saaray ayuu Saalax ku eedeeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, inuu ku kacay gabood-fal iyo tallaabo aan waafaqsanayn dastuurka iyo xeer-hoosaadka golaha.

Senator Saalax ayaa caddeeyay in maqnaanshihiisa fadhiyada baarlamaanka uu la xiriiray waajibaad shaqo oo muhiim ah, isagoo sheegay in sababaha maqnaanshihiisu ay ahaayeen kuwo sharci ahaan waafaqsan dastuurka. Wuxuu intaas ku daray in aysan jirin wax awood sharci ah oo u siinaya Guddoomiye Cabdi Xaashi inuu xubin kale ka saaro Aqalka Sare ama uu soo magacaabo shaqsi aan doorasho ku imaan.

Saalax Axmed Jaamac wuxuu warqaddii uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi ku tilmaamay mid aan sharci ahayn, wuxuuna ku adkeeyay in waraqaddaasi aysan lahayn wax saldhig sharci ah, wuxuuna maqnaanshihiisa ku saleyay waajibaadkiisa shaqo ee Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka.

Shalay ayaa lagu dhawaaqay in Saalax Axmed Jaamac uu lumiyay xubinnimadiisii Aqalka Sare kadib markii mudaneyaasha baarlamaanka ay go’aamiyeen in laga laabto xasaanaddiisa, sababo la xiriira maqnaanshihiisa muddo laba sano iyo bar ah.

Sidoo  Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo jeediyay in guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare, Ibraahim Iidle Suleymaan, oo hadda ah la-taliyaha sharciga ee Madaxweynaha, loo magacaabo kursiga bannaan ee uu fadhiyay Saalax Jaamac.

Si kastaba ha ahaatee, soo jeedintan ayaa la kulantay diidmo xooggan oo ka timid senatorrada, kuwaas oo ku dooday in kursiga bannaan lagu buuxiyo doorasho, sida uu dastuurku farayo.

Guddoomiye Xaashi ayaa aqbalay diidmada, isagoo dib uga laabtay soo jeedintiisii ahayd in Ibraahim Iidle Suleymaan loo dhaariyo kursigaas.

Waxaana ugu dambeyn Guddoomiyaha Aqalka Sare ku wargeliyay hay’daha ay qusayso in ay soo buuxiyaan kursiga bannaanaaday .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here