Friday, October 18, 2024

Sacuudiga oo ku bogaadiyay Masar taageeradeeda xasiloonida Soomaaliya

Qaahira (Dawan)- Dowladaha Masar iyo Sacuudiga ayaa isku raacay in la taageero madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya iyada oo uu Sacuusiga oo dhaweeyay ka mid noqoshada Masar ee ciidamda cusub ee midowga Africa ee Soomaaliya imaan doona sannadka soo socda.

Kulan ay Magaalada Qaahira ku wada yeesheen madaxweynaha Masar, Cabdifaraax Al-siisi iyo Dhaxal sugaha Sacuudiga ahna ra’iisul wasaaraha dalkaas, Maxamed bin Salmaan  ayay labada dowladood xoogga ku saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga iyo nabadda ee gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen, Sacuudiga iyo Masar ayaa dib u xaqiijiyay inay ka go’an tahay hirgelinta go’aankii Jaamacadda Carabta ee Janaayo 17, 2024, kaasoo ku saabsan taageeridda amniga, xasilloonida, midnimada, iyo madaxbannaanida Soomaaliya. Labada dowladood ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay u hogaansanaanta mabaadi’da deris-wanaagga, hormarinta nabadda , iyo in laga fogaado xiisadaha iyo colaadaha ka dhici kara gobolka.

Dowladda Sacuudiga ayaa soo dhaweysay dadaallada joogtada ah ee Masar ay ugu jirto xasilloonida iyo ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, Sacuudiga ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Masar dalabkeeda ku aaddan ka qeybgalka howlgalka cusub ee nabad ilaalinta ee Soomaaliya, kaasoo la filayo inuu door muhiim ah ka ciyaaro xaaladda geeska Africa

Hadalkaan ayaa daba socda ballanqaadkii Jaamacadda Carabta ee ku aaddanaa taageeridda midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida Soomaaliya, iyo sidoo kale dadaallada lagu yareynayo khataraha colaadaha iyo xiisadaha gobolka.

Share this article

Recent posts

Previous article

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here