Sunday, September 8, 2024

Sacuudiga oo Soomaaliya ka bixiyay $36 malyan oo deyn ah

Vienna (Dawan)- Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka bixisay Soomaaliya deyn uu ku lahaa Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ah ee ururka OPEC oo gaareysa $36 malyan.

Munaasabad arrintan ku saabsan ayaa ka dhacday Magaalada Vienna ee xarunta Wadanka Austria, iyada oo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige uu saxiixay heshiiska deyn bixinta.

Dhanka Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ah ee ururka OPEC, waxaa u saxiixay Agaasimaha Guud ee Dr. Cabdulxamid Al-khalifa, iyada oo uu goob joog ahaa Wasiirka Maaliyadda Sacuudi Carabiya, Dr. Maxamed Al-Jadaan.

“Heshiiskaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC ay wada gaareen waxaa kaalin muhiim ah kulahaa Dowladda Sacuudiga oo fududeysay wada hadal ka arrinkan xalka looga gaaray deyntaan iyo waddii loo maray xalinteeda oo muddo ku taagnayd Soomaaliya” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa inatas ku dartay in lacagtaan ay Dowladda Sacuudi Carabia ka bixisay Dowladda Soomaaliya loogu yeero afka qalaad (Bridge Loan).

Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudi Carabiya taageerada ay siiso Soomaaliya iyo hannaanka loo maray xallinta deyntaan.

Wasiirka Maaliyadda ayaa yiri “Waxa aan heshiis ka gaarnay maanta Deyntii Sanduuqa OPEC si aan u xallino deymaha uu nagu lahaa Sanduuqa oo gaaraysay $36 Milyan“.

Heshiiskaan maanta magaalada Vienna ay ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC oo wadxaajood iyo heer kala duwan oo shirar ah soo maray ayaa uga dhigan Soomaaliya in ay fursad u heli doonto mustaqbalka dhaw in ay qayb ka nqooto deeqaha iyo mashaariicda horumarineed ee Sanduuqa OPEC uu siiyo si la mid ah dalalka soo koraya ee Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here