Saturday, September 7, 2024

Safaaradda Soomaaliya ee Cummaan oo lagu eedeeyay musuq-maasuq baahsan

Muqdisho (Dawan)- Xafliska Hantidhorka Guud ayaa soo bandhigay musuq-maasuq baahsan oo ka jira safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay magaalada Masqat ee Saldanadda Cummaan.

Arrintaan ayaa timid kadib markii Xafiisku ku sameeyay Safaraadda Baaris Fatash ah, iyada oo la kaashanayo Wasaaradda Arrimaha dibadda, waxaana natiijada baarista loo gudbiyay Xafliska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Warbixin baariseedkan Fatashka ah ee Xafiiska Hantidhawku ku wareejiyey Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa muujisay in Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku taal magalada Masqat ee Saldanadda Cummaan ay ka dhex-dheceen intii u dhexeysay 01/01/2019 – 31/12/2023, fal-dembiyeedyo ay kamid yihiin:

  1. Musuq-maasuq,
  2. ku tagri fal-awoodeed
  3. Been abuur dukuminti,
  4. Lunsashada dakhli hab-raac khaldan loo uruuriyay,
  5. Matalaad iyo xil been abuur ah,
  6. Xaraash hantida safaaradda,
  7. Halis saameysay Sumcadda, magaca iyo sharafka Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed
    (Reputational Risk)
  8. Heshiisyo sharci-darro ah oo Safirku ku galay magaca dowladda islamarkaana horseeday
    lunsashada dakhli hanti ma guurto ah oo dowladdu leedahay.
  9. Lunsi iyo Leexsi lagu sameeyey Gaadiid deeq ah oo Saldanadda Cummaan ugu deeqday
    dowladda Soomaaliya.

Baaxadda Baarista Fatashka ah (Audit Scope) ee Xafiiska Hantidhawrku ku sameeyey Safaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Saldanadda Cummaan ayaa dabooleysa intii u dhexeysay 01/01/2019 – 31/12/ 2023, Waxaana ku lug leh dad isugu jira madax iyo shaqaale dowladeed oo katirsanaa Safaaradda ama xiriir wadashaqeyneed oo sharci-darro
ah uu ka dhexeeyey, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Hantidhorka Qaranka.

Xafiisku waxa uu sheegay in hufnaanta hay’adaha dowladda iyo hubinta in si wanaagsan loo isticmaalay lacagta iyo awoodaha maamulka ee hay’adaha dowladdu ay horseedayaan Saldhigashada, dhismaha, horumarka iyo kalsoonada dhammaan hay’adaha dowladda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here