Saturday, September 7, 2024

Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Masar oo warqadihiisa aqoonsiga gudbiyay

Qaahira (Dawan)- Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa Maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo guddoonsiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry.

Ugu horeeyn Danjiraha ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Arimaha Dibada Masar sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay, isaga oo u gudbiyey salaan iyo bogaadin uu ka siday Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya, sida ay aan kasoo xiganay Safaaradda.

Safiirka Soomaaliya ee Masar ayaa ballan qaaday inuu sii xoojin doono xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya shacabka iyo labadda dal ee dhinacyada Amniga iyo Dhaqaalaha.

Dhawaan waxaa howshiisi diblomaasinimo soo gabagabeeyay Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Qaahira, Ilyaas Sheikh Cumar, iyada oo ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ay u sameysay kulan sagootin ah oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin, waxgarad, arday iyo qayabaha kala duwan ee buslahada ku nool Masar.

Tan iyo markii dib loo doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa isbedel lagu sameeyay safiirada Soomaaliya u joogay qaar ka mid dowladaha caalamaka sida Masar, Turkiga, Kenya, Itoobiya iyo Sacuudiga iyada oo safiiro loo magacaabay dalal cusub sida Eritrea.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here