Monday, September 16, 2024

Sanbaloolshe oo la wareegay hoggaaminta Hay’adda NISA

Muqdisho (Dawan)- Cabdullaahi Maxamed Cali (Shanbaloolshe) oo dhawaan loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa maanta xilka kala wareegay Agaasimihaha xilka banneeynaya ee Mahad Maxamed Salaad.

Munaasabadda xilwareejinta oo ka dhacday xarunta Hay’adda waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Gaashaandhigga, taliyayaasha ciidamada iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Taliyihii Hore ee Hay’adda Mudane Mahad Salaad dadaalka uu ku bixiyey horumarinta shaqada Hay’adda, isagoo u rajeeyey Taliyaha cusub in uu ka soo dhalaalo waajibaadka adag ee horyaalla.

“Qaranka Soomaaliyeed ayaad u shaqeysaan ee uma shaqeysaan Agaasime tagay iyo mid yimid, waa in aad kalsooni galisaan shacabka oo aad soo dhoweysataan. Shaqada noo taala waa dagaalka Khawaarijta oo ay tahay in aan dhammaanteen wadajir ugu istaagno”. ayuu yiri, Madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimadda Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranku ay u leedahay qorshaha xoreynta dalka, waxa uuna sheegay in ay horseed u ahayd deegaannada laga xoreeyey gacanta argagixisada.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismayaasha qaybta Sirdoonka iyo Akadeemiyadda Jilicoow ee Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo qaab casri ah loo dhisay.

Waa Kuma Sanbaloolshe?

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) waxa uu ku dhashay degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan sannadkii 1968-kii, waxa uuna si weyn uga soo qeyb qaatay dib u dhiskii dowladnimada Soomaaliya , isaga oo kasoo shaqeeyayay qeyabaha diblomaasiyadda, amniga iyo Baarlamaanka.

Marka la eego dhanka amniga ee uu Sanbaloolshe ku caan baxay, waxa uu soo qabtay xilka wasiirka Amniga Qaranka ee dowladdii ku meel gaarka ahayd, sidoo kale waxa uu madax ka noqday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka xilligii hore ee Xasan Sheekh iyo xilligii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Inta uu xilkaas hayay waxaa la xasuusta dhacdooyin waaweyn oo ka dhacay dalka kuwaas oo ay NISA ku lug lahayd sida dagaalkii ay dowladda Xasan Sheekh la gashay qaar ka mid ah siyaasiyiintii hubeysnaa xilligaas iyo dhiibistii Qalbi Dhagax loogu gacan geliyay  dowladda Itoobiya xilligii Farmaajo taas oo ay ka dhaltay caro aad u ballaaran.

Dhanka Diblomaasiyadda, waxa uu Sanbaloolshe safiir kasoo noqday dalalka Boqortooyada Ingiriisa iyo Turkiga xilligi hore ee Xasan Sheekh inkasta oo ay ahayd waqti kooban.

Sanbaloolshe ayaa markii labaad loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka bishii March ee sannadkii 2022, isaga oo xilligaas ka mid ahaa siyaasiyiintii sida weyn uga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here