Sunday, September 8, 2024

Saraakiil lagu eedeeyay xatooyo xoolo oo loo gudbiyay maxkamadda

Muqdisho (Dawan)- Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta u gudbiyay Maxkamadda gobolka Banaadir liiska magacyada saraakiil lagu eedeyay  lunsasho, xatooyo xoolo dadweyne iyo been abuurka dukumiintiyo dowladeed .

Eedeysanayaalkaan oo ka kala tirsan Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadda, Xafiiska Hanti-dhowrga guud ee Qaranka iyo Wasaaradda Maaliyadda, ayaa hadda ka maqan dalka.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sidoo kale sheegay inay socoto baarista dadcwada kale oo musuqmaasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne, marka ay soo dhamaaatana loo loo gudbin doono maxkamadda ku shaqada leh.

Halkaan ka aqriso bayaan kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo magacyada eedeysanayaalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here