Saturday, September 7, 2024

Saraakiil loo heysto xatooyo oo loo gudbiyay maxkamadda

Muqdisho (Dawan)- Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta u gudbiyay Maxkamadda gobolka Banaadir liiska magacyada saraakiil lagu eedeyay xatooyo xoolo dadweyne, been abuurka dukumiintiyo dowladeed, ku takri fal Xafiis dowladeed iyo qaadasho laaluush.

Eedeysanayaalkaan gaaraya lixda qof ayaa ka tirsan xafiiska Canshuuraha Barriga ee degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sidoo kale sheegay inay socoto baarista dadcwada kale oo musuqmaasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne, marka ay soo dhamaaatana loo loo gudbin doono maxkamadda ku shaqada leh.

Halkaan hoose ka akhriso magacyada iyo xilalka saraakiisha lasoo eedeeyay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here