Muqdisho (Dawan)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay mudaahraad looga soo horjeedo heshiiskii Badda ee ay wada galeen Dowladda Itoobiya iyo Somaliland 1-dii bishaan January.
Dadkaan isku soo baxay ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan sida ay uga careysanyihiin in Itoobiya qaadato Badda Soomaaliya.