Thursday, September 19, 2024

Sayid Cali…Eedeysane ma quuste ah

Muqdisho (Dawan)- Waa eedeysane ma quuste ah. Wuxuu ku eedeysanyahay kiiskii ugu hadal heynta badnaa sanadkan dalka oo ah dilka xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo u geeriyootay dab la qabadsiiyay gurigii ay dagganayd.

  • Dilkan ayaa dhacay 26 January 2024
  • Ciidamada Nabad sugidda ayaa Sayid Cali soo qoobatay February 5, 2024 isaga oo ku sugan Gabdaale oo hoos taga magaalada Hobyo
  • February 21, 2024 ayuu markii ugu horreysay ka soo muuqday maxkamadda Gobolka Banaadir.
  • Ehelada Luul ayaa diiday in la aaso meydka ilaa ay cadaalad u helaan gabadhooda iyaga oo kaga dan lahaa inay dowladda cadaaadis ku saaraan.
  • Doodadaha difaaca iyo caddeymaha xeer ilaalinta ayaa toos looga daawanayay warbaahinta, ilaa February 27, 2024, iyada oo ku soo gabagabowday in dil toogasho ah lagu xukumo, balse racfaan ayuu ka qaatay xukunka.
  • Si lamid ah maxkamadda racfaanka ayaa billowday dhageysiga dacwadda April 21, 2024
  • May 15, 2024 ayey maxkamadda racfaankana ku raacday go’aankii maxkamadda Gobolka ee ahaa dilka, Sayid ma quusan ee waxa uu racfaan kale u qaatay maxkamadda sare oo maanta billowday dhageysiga kiiskan.

Rajada Sayid Cali waxay ku xiran tahay go’aanka maxkamadda sare, kadib markii eheladiisu ku guul darreysteen qancinta waalidka Luul in ay diyo qaataan oo kiiska lagu xalliyo maxkamadda ka bannaanka.

Nooca dilka ee loo adeegsaday dab, Luul oo hayad hooyo uur leh, in ay heysatay seddex carruur ah iyo in ay ahayd xaaska eedeysanaha waxay kiiska ka dhigeen mid saameeya ra’yulcaamka, halka dad badan ay u arkaan inuu yahay imtixaanka ugu weyn ee garsoorka Soomaaliya lagu kala ogaan doono heer caddaaaldda ee ay bulshadu ka fili karto.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here