Doxa (Dawan)- Kumanaan Kenyan ah ayaa hadda ugu nool dalka ganiga ee Qatar si qaxooti ah, iyaga oo rajo ka qaba inay helaan shaqo ay ku maareeyaan naftooda iyo qoysaskooda.
Alfred Mutua, Wasiirka Shaqada iyo Ilaalinta Bulshada ee Kenya, ayaa Axadii shaaca ka qaaday in dalka Qatar ee ay ku sugan yihiin wax aan ka yarayn 5000 oo qaxooti Kenyan ah.
Waxa uu xusay in arrintan ay ku timid qalad ay sameeyeen wakiiladii dadkaas kasoo qaaday Kenya ee geeyay Qatar kuwaas oo kasoo bixi waayay ballamihii ay horay u qaadeen oo ahayd inay shaqo siiyaan dadkaan.
“Hadda waxa qaxooti ahaan ugu nool Qatar 5,000 oo Kenyan ah. Waxaa la geeyey halkaas intii lagu jiray xilligii Koobka Adduunka” sidaas waxaa warbaahinta kenya u sheegay Wasiirka Shaqada.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in dadkaan laga qaatay markii la kaxeynayay lacag u dhaxeysa Sh200,000 ilaa 250,000 Sh oo lacagta dalkaas ah.
Arrinta kale ee cajiibka ah ayaa ah in dadkan ay diideen inay dib ugu laabtaan dalkooda, waxayna rajo ka qabaan inay shaqo ka helaan gudaha Qatar.
Shaqooyinka ugu badan ee ajaanibtu ka helaan Qatar ayaa ah darawaliinta, kaaliyaasha caafimaadka, shaqaalaha dhismaha guryaha, shaqaalaha maqaayadaha sida cunto kariyayaasha iyo kabalyeeriga.
Shaqaalaha Kenya ee loo diro dalalka kale
Bishii Febraayo, 1500 oo shaqaale Kenyan ah ayaa loo diray Israel muddo seddex sano oo dib loo cusboonaysiin karo. Heshiiskaas ayaa lahaa damaanad qaad dhan $1,500, sida ay sheegtay wasaaradda shaqada Kenya.
Qaar ka mid ah dadka Kenyaanka ah ayaa taageersan heshiisyada nuucaan ah, iyagoo aamisan inay tahay shaqo abuur xilli dalkooda ay ka jirto shaqo la’aan baahsan iyo sicir barar saameeyay noloshooda.
Sannad ka hor, dawladaha Kenya iyo Jarmalku waxay ku heshiiyeen in 250,000 oo Kenyan ah loo diro Berlin si ay u buuxiyaan baahida shaqaalaha ee ka jirta dalkaas.
Shaqaalaha Kenya ee dibadda loo dhoofiyo ayaa loo arkaa kuwa raqiis ah oo aan lahayn xirfado badan, sida lagu sheegay Warbixin uu soo saaray Bangiga Adduunka.