Thursday, September 19, 2024

Shaqadii garoonka diyaaradaha Boosaaso oo dib u bilaabatay

Boosaaso (Dawan)- Diyaaradda Daallo Airlines oo saaka ka soo duushay Dubai ayaa cagadhigtay garoonta Bandar Qaasim Airport ee magaalada Boosaaso, iyada oo uga sii gudubtay Muqdisho, taas oo meesha ka saareysa murankii ammaanka Garoonka ee baryahaan taagnaa.

Imaanshaha Diyaaraddaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada ee Puntland ay soo saartay wargelin ay ugu jawaabayso warar sheegayay in garoonka diyaaradaha Boosaaso ay soo wajahday khatar amni.

Wasaaradda ayaa ku adkeysatay in garoonka Boosaaso uu si caadi ah u shaqeenayo isla markaana ay socdaan duulimaadyada caalamiga iyo kuwa maxalliga ah.

Warkaan ayaa daba socda iyadoo toddobaadkii lasoo dhaafay hoggaanka Ciidamada PSF uu soo saaray digniin ay ku sheegeen in diyaaradaha isticmaala garoonka ay joojiyaan duulimaadyadooda, sababtuna ay tahay muran ka dhashay maamulka garoonka.

PSF ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan oo dhaawacmay loo diiday in ay isticmaalaan garoonka si looso daweeyo, iyagoo dalbanaya in maamulka garoonka dib loogu celiyo gacanta dadkii hore u maamuli jiray sida ay sheegeen.

Saraakiil ka tirsan dowladda Puntland ayaa inoo sheegay inay aaminsan yihiin in dowladda Federaalku ka dambeyso khilaafka PSF iyo Puntland ujeedkuna yahay in ammaan darro laga abuuro qeybo kamid ah Puntland.

Xildhibaan Cabdullaahi Faarah Mire ayaa yiri; ” Waxaa nasiib darro ah in dowladda Federaalku ay siyaasadeyso duulista hawada iyo in ay carqaladeyso howlaha garoonka Boosaaso”

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa bartamihii sanadkaan shaacisay inay gebi ahaanba xiriirka u jartay dowladda Federaalka ah ee fadhigeedu yahay Muqdisho, sababo la xiriira wax ka bedelka dastuurka iyo hannaanka dowlad dhiska Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here