Thursday, September 19, 2024

Sharciga doorashada ma ogolyahay muddo kororsi?

Muqdisho (Dawan)- Sida uu dhigayo qodobka 17-aad ee sharciga doorasahda lasoo bandhigay, muddada xil-haynta Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee ku yimaada doorasho waa shan (5) sano oo ka billaabmata maalinta loo dhaariyo xilka, hadana sidaas oo tahay waxaa jira qodob kale oo loo fahmi karo in madaxda mudda xileedka ka dhamaaday ay kusii joogi karto.

Qodobka 74-aad waxaa loogu magac daray; dib-u-dhaca doorashooyinka, iyada oo la tixay duruufaha keeni kara in dib loo dhigo doorashooyinka dalka.

Duruufaha adag ee ku xusan faqrada 2-aad ee qodobka 74-aad waxaa ka mid ah nabadgelyo darro baahsan oo dalka oo dhan ka dhacda ama qaybo ka mid, aafooyinka dabiiciga ah sida dhul-gariirka, cudurrada faafa, abaaro baahsan, fatahaadaha webiyada, duufaanta iyo wax
kasta oo lagu tilmaami karo musiibo Qaran.

Intaas waxaa lagu daray in dib u dhaca doorashooyinka ay sababi karto dhibaato dhanka farsamada ah oo caqabad ku noqon karta qabsoomidda doorashooyinka.

Guddiga doorashooyinka ayaa dib kasoo sheegi doona muddada cusub ee doorashooyinka baaqday ku dhici karaan, marka uu qiimayn ku sameeyo xaaladda iyo muddada duruuftaas lagaga bixi karo.

Hawsha qiimaynta muddada lagaga bixi karo duruufaha adag, waxa uu Guddigu kala tashan doona Xukuumadda iyo Hay’adaha Dowladda ee qaabilsan wax kaqabashada duruufahaas.

Nuqulka cusub ee xeerka doorashooyinka ayaa laga saaray farqadii tilmaameysay in ciddi haysay xilka loo tartamayey ay sii hayn doonto xilka inta duruufahaas adag laga gudbaayo doorashaduna ka qabsoomayso.

Waxaa xusid mudan in Sharcigan uu dhaqangeli doono marka ay ansixiyaan Baarlamaanka Federaalka, Madaxweynaha saxiixo laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee Dowladda.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here