Thursday, September 19, 2024

Sharciga doorashada: Maxey yihiin shuruudaha Madaxweynaha?

Muqdisho (Dawan)- Dood badan ayaa ka dhalatay xeerka doorashooyinka ee ay soo saartay xukuumadda Soomaaliya, iyada qodobada qaar laga muujiyay walaac iyo inay u xaglinayan hogaanka dalka.

Tusaale ahaan markaan soo qaadano qodobka 35-aad, wuxuu tilmaamaya shururdaha laga rabo murashaxa doonaya inuu u tartamo xilka dalka ugu sareeya ee madaxweynanimada, waxaana ka mid ah shuruudaha la hor dhigay kuwa soo socda;

Murashax kasta ee u tartamaya doorashooyinka madaxtooyada heerka Dowladda Federaalka, waa inuu Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku noolaa muddo laba sanadood ka hor murashaxnimadiisa;

Qodobkan ayaa ka dhigan inuusan tartami karin siyaasi dibbad joog ah ama qof dalka kusoo laabtay waxyar ka hor muddada doorashada, taas oo oo ah arrin inta badan lagu yaqaan inay Soomaaliya ka dhacdo.

Shuruudaha kale waxaa ka mid ah in murashaxu ka tanaasulo haysashada jinsiyad kastoo kale oo aanan ahayn midda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qodobkan ayaa laf dhuun gashay ku noqon doona siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo qaar badan ay yihiin dad haysta dhalashada dalal kale. Waxaa su’aal laga keenay sida loo dhaqan geli doono.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu xasuustaa inuu ka tanaasulay dhalashadii uu ka haysatay dalka Mareykanka ah kadib markii uu noqday madaxweynaha Soomaaliya.

Waa in shantii sano ee u dambeysay murashaxnimadiisa horteed aanu ku dhicin xukun
ciqaab oo ay maxkamadda awoodda u lihi si kama-dambeys ah ugu ridday, ayaa ka mid ah shuruudaha murashaxa madaxweynaha.

Arrinka kale ee walaaca laga muujiyay ayaa ah farqada qeexeysa in murashaxa madaxweyne iska casilo xil fulin oo dowladeed 6 bilood ka hor gudbinta murashaxnimadiisa marka laga reebo Madaxweynaha xilka markaas haya.

Horay dalka waxaa uga dhacday in madaxweyne iyo ra’iisul wasaarihiisa wada galaan tartanka madaxtinimada ama ay isa soo sharraxaan wasiiro iyo madaxweyne goboleed, iyaga oo haya xil.

Qodobka 39-aad, waxa uu leeyahay, murashax kastaa waa in uu bixiyo khidmadda tartanka Madaxweynaha oo ah Konton kun (50,000) oo doolarka Maraykanka ah ama shillin Soomaali u dhigma, iyada lacagtaas lagu shubayo khasnadda mideysan ee Dowladda Federaalka, dibna aan loo celin doonin

Doorashadii ugu dambeysay ee 2022, waxaa laga qaaday murashaxiinta madaxweynaha lacag dhan 40,000 oo dollarka Mareykanka ah.

    Share this article

    Recent posts

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here