Sunday, September 8, 2024

Shariif: Dood dheer ka dib, xal waan ka gaari weynay dhamaan qodobadii aan ka doodnay

Nairobi (Dawan)- Madaxweynihii kumeel gaarka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kulan ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si ay xal uga gaaraan dhowr qodob oo ay isku khilaafsanyihiin dowladda iyo mucaaradka.

Sida uu Shariif Sheegay kulanka waxaa soo agaasimay dad kala duwan oo isagu jira oday dhaqameed iyo wax garad balse doodda waxaa loo daayay labada madaxweyne.

Qodobada ay ka wada hadleen Shariif iyo Xasan ayaa kala ahaa; Arrimaha Dastuurka, Arrimaha siyaasadda iyo mustaqbalka dalka iyo khilaafka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedka Puntland.

Qoraal uu bartiisa Facebook ku faafiyay ayuu ku yiri, “Dood dheer ka dib, xal waan ka gaari weynay dhamaan qodobadii aan ka doodnay. Waxaan aaminsanahay mabda’a ah in khilaafaadka siyaasadda lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin”.

Shariif ayaa intaas raaciyay in marxaladda adag ee dalku ku jiro maanta in ay lagama maarmaan tahay ilaalinta midnimada iyo wada jirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Ilaa iyo hadda dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh wax war ah oo ku saabsan shirkaas kama soo bixin.

Dhammaadka bishii hore ayay ahayd markii Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay soo saareen war-saxafaadeed ay uga soo horjeedeen qorshaha wax ka bedelka Dastuurka.

Shariif iyo Farmaajo ayaa ku eedeyay madaxweyne Xasan iyo guddoonka Baarlamaanka in aysan dan ka lahayn wada jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, waxeyna ugu baaqeen masuuliyiinta iyo daneeyeyaasha siyaasadeed in ay kasoo qeyb galaan shir wadatashi si loo ilaaliyo dowladnimada iyo midnimada dalka iyo dadka, inkasta oo aysan sheegin xilliga iyo goobta lagu qabanayo shirkaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here