Sunday, September 22, 2024

Shariif: Xariga Cali-nuur xaq ma ahan xeerna ma ahan

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag u cambaareeyay xariga loo gaystay Agaasimaha Dawan Media Group Cali-Nuur Salaad

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxweynaha ayaa ku qornaa sida soo socota:

Waxaan si adag ah u cambaareynayaa xarigga wariye Cali Nuur Salaad, oo ah suxufi madax bannaan oo u adeega Shacabka Soomaaliyeed, kana hadla dhacdooyinka maalinlaha ah ee ka dhaca gudaha dalka.

Caburinta saxaafaddu waxay kasoo horjeeddaa Dastuurka Dalka iyo xeerarka caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha.

Xariggaan wuxuu caddeynayaa sida nidaamka hadda jira ee uga go’an tahay in la aamusiiyo warbaahinta madaxa bannaan, lana cabsi geliyo suxufiyiinta si ay dadka looga daboolo xaqiiqooyinka dhabta ah ee dalka ka dhacaaya sida musuqmaasuqa iyo ku takrifalka awoodda dowladda.

Waxaan ugu baaqeyaa in Dowladdu ay ixtiraamto xorriyadda hadalka, si degdeg ahna usoo dayso wariye Cali Nuur Salaad.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here