Saturday, September 7, 2024

Sheekh Cismaan Xiddig: Waa Ilayskii Islaamka

Muqdisho (Dawan)- Sheekh Cismaan Xiddig: Waa Ilayskii Islaamka. Waxaa qoray; Maxamuud Cali Aadan (Hoorri)

“Faaraxow galgaladkaan dhigiyo gama’ la’aantayda

Gogoshaan ku jiifsaday hurdada goodkii igu yaacay

Gasiinkii la ii dhigay waxaan gawska uga daayey

Geeridii Xirsay sheegayeen gacal ha waayeene

Abidkii rag waa go’i jiree tani se waa gaw e.”

— Cali Jaamac

Cali waxa uu gabaygan marshay mar loo soo sheegay geerida nin magac ku lahaa bahdiisa iyo agtiisaba. Isaga oo sheegaya wanaaggii, foolaadnimadii, deeqdii, dunwanaaggii, gobanimadii, dulqaadkii, iyo dadnimadiisii wanaagsanayd ayuu mariyay gabay dheer oo si weyn looga yaqaan dhammaan geyiga Soomaaliyeed. Tuducyadan aan soo sheegnayna waxa ay ka mid yihiin gabaygaas oo laguna garan og yahay: “Lix hal oo u wada gaar ahaa gocanayaa mooyi”.

Basharku waa geeri-u-joog, Soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa; “Haddii geeri ku dayso, gabow baan ku daynayn”. Dhimashadii iyo geeridii ku timid caalinkii weynaa, caabidkii baarriga ahaa, foolaadkii mar-la-aragga ahaa, hormuudkii filkii ka tilmaannaa, maqaddimkii qiimiga weynaa, waracii xalaalmiiradka ahaa, macallinkii ka suntanaa culimada Soomaaliyeed iyo kuwa Geeska Afrikaba—geeridani, waxa ay ahayd mid gilgishay dhammaan shacabweynaha kala duwan ee Soomaaliyeed meel ay joogaanba. Madaxda qaranka Soomaaliyeed oo idil ayaa dhanbaallo tacsi ah ka bixiyay, aqoonyahanka kala duwan ayaa iyana si weyn uga tacsiyeeyay, ardayda iyo xerta ku fooggan barashada diinta Islaanka ayaa iyana muujiyey murugo iyo baroordiiq dhulka ruxday.

Sidoo kale, geeridani waxa ay noqotay mid ay ka falceliyeen dhammaan hay’adaha iyo xarumaha qaabbilsan arrimaha diinta Islaamka iyo owqaafta sida; golaha culumada dalka Ciraag, majliska culumada dalka Itoobiya, golaha culumada dalka Jabuuti, gola-weynaha caalamka Islaamka, iyo qaar kaloo ka mid ururrada qaabbilsan faafinta dacwada ee diinta Islaamka.

Sheekh Cismaan-Xiddig waxa uu xijaabtey 20kii Julaay 2024, isaga oo ku allaystay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Sheekhu waxa uu ahaa macallin ku caanbaxay faafinta diinta Islaanka, fidinta shareecada, baahinta aragtida dhexdhexaadka ah ( الفكر الوسطي أو الفكر المعتدل) iyo yaraynta karaahiyada iyo fikirka gurracan ee xagjirka ah (الفكر المتطرف). Waxa, Alle ha u naxariistee, darka Sheekha arday aad iyo aad u fara badan, waxa ku canqartay ardaaga Sheekha dhallinyaro kala duwan, waxa ka hirqaday durdurka Sheekha boqollaal culimo ah—barasho iyo barbaaridba waxa uu u ahaa astaan lagu soo hirto oo loo la soo irkado meselooyinka diinteenna xaniifka ah; Eebbe-Weyne ha u naxariisto, godkiisana ha ka yeelo beer ka mid ah beeraha jannadee.

Sheekh Cismaan-Xiddig waxa uu ka tagay maraxdiimeed, mahadho fac weyn iyo dhaxaldiimeed oo lagu xusuusan doono. Waxa uu allifay ama uu qoray kutub tayadoodu sarrayso, leh dux, dhadhan, dhosoq iyo mullaax aad u qiimo badan. Kutubtiisu, waa mid gaartay dhammaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed, weliba iyadoo u tallowday daafaha caalamka iyo waddamada deriska gaar ahaan kuwa Afrika. Haddii aan soo koobo, way badan yihiine, inta ugu caansan ama shaacbaxay ee waxsoosaarka Sheekha waxaa ka mid ah:

1. المقاصد السنية في أحوال الأولياء وتراجم أعلام السادة الصوفية يقع في4 مجلدات ضخمة

2. التيجان المكلله شرح النصائح المرسلة

3. إقناع المؤمنين بتبرك الصالحين

4. منية اللبيب في التبرك بآثار الحبيب

5. بغية الأريب في التوسل بأسماء الحبيب

6. المنهل في أدلة التوسل

7. التحفة في نشر محاسن البرد

8. اللآلي السنية في مشروعية مولد خير البرية

9. التبيين في أدلة التلقين

10. المنح الوهبية في ذم القبلية والعصبية

11. المنتخب شرح أوراد مرحب

12. التوضيح شرح أذكار التسبيح

13. أنيس الجليس في ترجمة سيد أحمد بن إدريس

14. الرسالة البهية في مشروعية التلفظ بالنية

15. البرهان في جواز الذكر بلفظ هو للملك الديان

16. ديوان القصائد والمدائح النبوية

17. إرشاد الطالب إلى أحكام الشارب

18. تنبيه الأكياس على مساوي الوسواس

19. النصائح المرسلة إلى طلاب العلم لله والآخرة

20. خلاصة النقول والأبحاث في تحرير مجموع الطلقات الثلاث

Xogaha qaarkood ayaa tilmaamaya in ay jiraan kutub kale oo aan weli la daabicin ama aan loo gudbin dad weynaha iyo bahweynta xerta Soomaaliyeed. Sheekhu waxa uu ahaa nin aad u kasmo badan, leh garasho iyo gudasho sarraysa, waxa uu ahaa naasix waaya-arag ah, qareen iyo caroog bulsho, kuna hubaysan aqoon iyo xeeldheeri mug leh. Sheekh Cismaan-Xsdig, wuxuu ahaa barbaariye gardaadshay kumanyaal culimo ah iyo dhallinyaro Soomaaliyeed oo harada cilmigiisa ka durduurtay.

Sheekh Cismaan-Xiddig, sida aan ilo ku dhowdhow ka soo xigannay, waxa uu muddooyinkii u danbeeyay ee noloshiisa la daalaadhacaayay xanuun daran oo cunaha ka warjeefay—se waa ammuur Alle oo meeshii Alle wax ka wada dameeraaba weylo ka dhalee, Sheekhu xanuunkaas daran oo Kansar ahaa waxa uu kaga caafimaaday ama uu ugu yaraan u la noolaa intiiba muddo ah wardiga Ilaahay iyo salliga Suubbanaheenna (SCW).

Mar uu Sheekhu ka hadlayey xuska dhalashada Nebiga (SCW) ayuu ku tilmaamay in tahay arrin mudnaanteeda leh muunaynta ku dheehan darteed. Waxa uu intaas ku daray in ay tahay arrin xanbaarsan weynayn iyo ixtiraam heer sare ah. Weliba waxa uu si qotadheer u tilmaamay in xuska mawliidku yahay mid ku suntan farxad iyo baraare, raynrayn iyo damaashaad; wacyigelin iyo baraarujin; nasasho iyo tamashlayn lagu majeerto carruuraha iyo dhallinyarada kala duwan.

قال سَيّدى الشَيخُ عُثمَان حِدِغ الصومالي الأشعري الإدريسي: )اسْتَحسَنَ بَعضُ العُلَمَاء فِيمَا مَضَى وَفَي زَمَانِنَا أنْ يَكُون يَوم المَولِد الشَريف يَوم عُطلة فَلَا يدرسونَ فِيه الدُرُوسَ، وَيرشدُونَ الطَلَبة إلى حُضُورِ مَحَافِل المَولِد وَيَحُثُونَـهم على ذَلِك، وَكَذلِك مُعَلِّمُوا القُرآن الكَريم يُرسِلُون الصِبيَان إلى مَنَازِلهم لِيَشتَرِكُوا مَع أهْلِهِم الفَرَح وَالسُرُور بِعِيدِ المَولِدِ النَبَوِيّ(

Sidoo kale, markuu Sheekhu bidhaaminayay foolxumada jahliga iyo halaagga uu u geysto basharka, ayuu iftiimiyey in dhibkuba yahay aqoon darro ka jirta dhanka barashada, fahanka iyo dhuuxidda diinta Islaamka—ereyo kooban oo laga dhegaysto cajilo duuban, muxaadarooyin kooban oo lagu kadsoomo, hanafsi yar oo mareegaha laga bowsado, fadwo golakafuul ah oo ka maran dhiraan-dhirin iyo sugid ayaa sababay jaahwareer iyo jidbo aan dabar lahayn.

يَقُولُ سَيّدى الشَيخ عُثمَان حِدِغ الشافعي الأشعري الإدريسي الصومالي فِيْ كتابه “التِيجَانِ المكللة/ِ٣٠٨ (فَأيّ جَهْلٍ أشْنَعُ مِنْ جَهْلِ إنَسَاْنٍ لَمْ يَعرِفْ مِنَ الدِيْنِ إلّاْ كَلِمَاْتٍ سَمِعَهَاْ مِنَ المُحَاْضرَاتٍ وَالخُطَبِ أوْ مِنَ الأشْرِطَةِ وَالتلْفِزيوْنَاتِ وَمَواقِعِ الإنْتَرنَتْ ثُمّ يَدّعِيْ الإجْتِهَادَ وَيُفْتِيْ إرتِجَالاً بِرَأيِهِ عَنِ المَسَائِلِ الدَقِيْقَةِ الَتِيْ لَوْ سُئِلَ عَنْهَاْ الإمَامُ النَوَوِيّ وَأمْثَاُلُهُ رَحِمَهُمُ اللهُ لَم يُبَادِرُواُ إلَىْ جَوَابـِهَاْ بَلْ أجَالُواْ النَظَرَ وَالفِكْرْ أيّاماً أوْ أشْهُراً فِيْ جَوَابِـهَاْ).

Sheekh Cismaan-Xiddig waxa ahaa shakhsi fiiro dheer oo indheergarad ah, aragti fog oo buunni ku ah lurbixinta arrimaha iyo xaaladaha bulshadiisa la soo gudboonaada. Waxa kale oo iyadana mudan in la muujiyo, dadkana loo tebiyo qaabka quruxda badan ee uu fahansaa in bulshada lagu ilaaliyo seeraha danaha qaranka iyo jiritaankeeda sooyaal. Waa hubaal inuu si mug leh oo dhidban u sheegay caqiidada suubban iyo mad-habka ummaddani kaga soocan tahay ummadaha kale ee qaafilka ah ama baadiyoobay.

يقول سيدي الشيخ عثمان حدغ حفظه الله في كتابه [المنح الوهبية] : (َقَدْ كَاْنَتْ هَذِهِ الْأُمَةِ [الصومالية] كُلّهَاْ مُسْلِمَةٌ مِائة فِيْ المِائَةِ، وَكَاْنَتِ الْعَقِيْدَةُ الْأشْعَرِيّة هِيَ الْعَقِيْدَةُ الوَحِيْدَةُ لَهَاْ، وَمَذْهَبُ الْإمَاْم الْشَاْفِعِيّ مَذْهَبهَاْ، وَكَاْنَتِ الْقِرَاْءَةُ عَلَى قِرَاْءَةِ أبِيْ عَمَرو بن العَلَاْءِ البَصْرِيّ)

Xigasho: Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here