Saturday, September 7, 2024

Sheekh Cusmaan Xiddig: Caalimkii iyo qoraagii aan qalinka dhigin

Muqdisho (Dawan)- Magaalada Muqdisho waxaa lagu aasay maanta Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud Culusoow oo ku magac dheeraa ( Sheekh Cusmaan Xiddig)

 Sheekh Cusmaan oo noloshiisa oo dhan ku qaatay u adeegidda diinta islaamka ah iyo faafinta tacliinteeda si waafaqsan habka islaamiga ah iyo caqiidada suuban, ayaa dadka Soomaaliyeed uga tagay dhaxal iyo saamayn ballaaran oo lagu xasuusan doono.

Maxaan ka naqaan Sheekh Cusmaan Xiddig?

Sheekh Cusmaan Xiddig waxa uu ku dhashay sannadkii 1900 iyo billowgii 40-yadii deegaan u dhow magaalada Ceel-dheer oo qiyaastii 300 KM dhanka waqooyi ka xigta magaalada Muqdisho, waxa uuna kasoo jeeda qoys lagu yaqaano diinta islaamka iyo fidinteeda.

Waxaa uu ku abtirsadaa Sheekh Daa’uud Culusoow oo culuumta shareecada Islaamka ku faafiyay bartamaha Soomaaliya soona saaray culumo badan oo caanbaxday.

Maydka Sheekh oo la sido

Cilmi-barashadiisi iyo sheekhyadiisi

Waxa uu quraanka xifdiyay isaga oo toban jir ah. Markuu gaaray 11 sano waxa uu billaabay barashada culuumta islaamka, isaga oo wax ka bartay culumadii ugu caansaneed waayahaas dalka sida adeerkiis, Sheekh Cabdullaahi Sheekh Daa’uud, Sheekh Abuubakar Sheekh Muxyadiin, Sheekh Xuseen Maxamed Caddaa iyo Sheekh Xuseen Al-warshikhi

Cilmiga Xadiiska waxa uu ka qaatay Caalimkii waynaa Sheekh Maxammad Axmad Maxamuud “Sheekh Abba” iyo Sheekh Maxamednuur Sheekh Ibraahim halka uu dariiqada Idriisiyah ka qaatay culumo badan oo ay ka mid yihiin aderrkiis Sheekh Axmed Sheekh Daa’uud, iyo Sheekh Cabdiwahaab Al-taazi oo soo noqday Sheekha guud ee dariiqada Idriisiyah

Sheekh Cismaan Xiddig waxa uu dadaal badan ku bixiyay barashada diinta, isaga oo culumadii ugu aqoonta badaneed waayihii uu yaraa ka qaatay culuum fara badan oo kala nuuc ilaa markii dambe uu noqday caalim ku xeel dheer loogana dambeeyo Fiqiga, Xadiiska, Tafsiirka iyo luqadda Carabiga. Waxaa usii dheeraa inuu ahaa qoraa aan qalinka dhigin.

Maydka Sheekha oo laga soo saarayo Ambulance

Dadaalkiisii wax barista iyo faafinta cilmiga

Sheekh Cismaan Xiddig markuu shareecada iyo cilmiga luqadda ka bartay culmadii xilligaas sidoo kalena darajo sare ka gaaray suufnimada, wuxuu u dhaqaaqay inuu guto waajibaadka ka saarnaa diinta islaamka, wuxuuna adeerkiisa Sheekh Cabdullaahi Sheekh Daauud ka dhaxlay gacan ku hayntii iyo waxbarashadii ka socotay Masjidka Ceel-dheer oo ahaa xarun loosoo cilmi doonto lagana barto qaybaha kala duwan ee culuumta islaamka.

Arday aan lasoo koobi karin tiradooda ayaa wax ka bartay Masjidkaas kuwaas oo qayb wayn ka qaatay u adeegista diinta Islaamka iyo toosinta bulshada Soomaaliyeed.

Sheekha waxa uu qayb wayn ku lahaa dhisidda, dayactirka iyo horumarinta xarumo lagu barto diinta islaalmka sidoo kalena looga warqabo xerta ku jirta waxbarashada kuwaas oo laga hirgeliyay gudaha iyo dibadda Soomaaliya.

Xarumahaas waxey ka qayb qaaateen inay ksoo baxaan jiil ku hubeysan cilmi iyo tarbiyad toosan kuwaas oo iyaguna kaalin wayn kasii qaatay sii fidinta dacwada iyo fahamka saxda ee diinta Islaamka.

Sheekha waxaa lagu tiriya mid ka mid ah culumda Soomaaliyeed ee ugu wax qorista badan, wuxuuna soo saaray in ka badan 20 kitaab oo isagu jira qaybaha kala duwan ee culuumta islaamka sida; fiqiga, tarbiyada , qasaa’idka, iyo arrimaha akhlaaqda.

Buugaagta oo ku qoran luqada Carabiga waxaa ka mid ah;

خلاصة النقول والأبحاث في تحرير مجموع الطلقات الثلاث

أنيس الجليس في ترجمة السيد أحمد بن إدريس

المِنح الوهبيّة في ذم القبليّة والعصبيّة

اللآلي السنيّة في مشروعية مولد خير البرية

Qaar ka mid ah buugaagtii uu qoray Sheekh Cusmaan Xiddig

Sheekha oo maalmihii ugu dambeyay ku xanuunsanaa Muqdisho, ayaa geeriyooday xalay, waxaana da’diisa lagu qiyaasay 84 jir.

Madaxda kala duwan ee dowladda, kuwii hore iyo culumada Soomaaliyeed ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig).

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay Sheekha inuu ahaa caalim weyn, daaci iyo macalin udub dhaxaad u ahaa barida iyo faafinta diinta islaamka, isagoo tacab iyo waqti badan galiyay soo saarista culumo aqoon durugsan u leh diinta Islaamka iyo Jiilal waxtar u leh dalka.

Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ayaa bartiisa Facebook ku qoray, isaga oo ka tacsiyeynaya geerida Sheekha; ” Sh. Cismaan Allaha u naxariisto waxaan ku bartay cilmi badan, caqli weyn, xikmad fadhida, aftahannimo, garsoor wanaagsan iyo dhexdhexaadnimo, Ilaahay Jannaatul firdawsa ha geeyo, Soomaali tiir weyn baa ka baxay”

dadka ka qaybgalay janaasada Sheekha

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here