Monday, September 16, 2024

Sheekh Cusmaan Xiddig oo ku geeriyooday Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud Culusoow oo la yaqaano ( Sheekh Cusmaan Xiddig) ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdihso, sida uu xaqiijiyay Sheekh Cabdifataax Sheekh Abuu Bakar oo ah mas’uulka Jamaacada Sheekh Daa’uud Culusoow.

War-saxaafadeed kasoo baxay Jamaacada oo lasoo gaarsiiyay Dawan TV ayaa lagu yiri; “Jamaacada reer Sheekh Daa’uud Culusoow, waxay tacsi ku aaddan geerida ku timid Alle ha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud Culusoow ( Sheekh Cusmaan Xiddig), u dirayaan ummadda Islaamka ah guud ahaan iyo ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan, oo caawa geeriyooday kadib socdaal cilmi, (Barasho/Baris/Fidin) iyo wax-bixin xambaarsan ee uu noloshiisa ku soo qaaday”

Dhambaalka tacsida ayaa intaas ku daray in Sheekh Cusmaan uu noloshiisa oo dhan ku qaatay u adeegida diinta islaamka ee saxda ah iyo faafinta tacliinteeda si waafaqsan habka islaamiga ah ee qunyar socodka ah iyo caqiidada saxda ah, isaga oo ka tagay raadad aan dhimanayn.

Waxa ay Jamaacadu iclaamisay in salaadda Janaasada lagula tukan doono magaalada Muqdisho, gaar ahaan Masjid ku yaala Degmada Kaaraan oo lagu magacaabo (Masjidu Shifaa), Salaadda Duhur ka dib.

Sheekh Cusmaan Xiddig ayaa ka mid ah culumada ugu caansan gayiga Soomaaliya, isaga oo qoray buugaag badan, sidoo kalena soo saaray arday badan oo aqoon durugsan u leh diinta, waxaana da’diisa lagu sheegay 84 sano jir.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig).

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Sheekh Cusmaan Xiddig uu ahaa caalim weyn, daaci iyo macalin udub dhaxaad u ahaa barida iyo faafinta diinta islaamka, isagoo tacab iyo waqti badan galiyay soo saarista culumo aqoon durugsan u leh diinta Islaamka iyo Jiilal waxtar u leh dalka

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud waxa uu ahaa caalim tacab iyo waqti badan galiyay baridda iyo faafinta diinta islaamka, waxaana ka aflaxay culumo badan oo soomaaliyeed oo maanta door weyn ku leh fidinta diinta” ayaa lagu yiri; qoraal tacsi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna ka siiyo ehelada Marxuumka, culimaa’udiinka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta kale ee dowladda, kuwii hore iyo culumada Soomaaliyeed ayaa dhammaantooda ka tacsiyay geerida ku timid Sheekh Cusmaan Xiddig oo maanta lagu aasayo magaalada Muqdisho.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here