Thursday, September 19, 2024

Shiinaha oo Soomaaliya u ballanqaaday $28 Milyan oo gargaar ah

Beijing (Dawan)- – Shiinaha ayaa ballanqaaday 200 milyan oo yuan (qiyaastii $28 milyan) oo gargaar ah oo uu soo Soomaaliya siinayo. Arrintan ayaa timid kaddib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan kula yeeshay dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping magaalada Beijing, halkaas oo labada hoggaamiye ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha horyaalla Soomaaliya.

Labada dal ayaa ku heshiiyay in xiriirkooda diblomaasiyadeed loo beddelo mid istaraatiji ah, taasoo looga dan leeyahy wada-shaqeyn dhow oo hiigsanaysa dhinacyada dhaqaalaha siyaasaddda iyo bulshada.

Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu mar kale xaqiijiyay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay mabda’a Shiinaha Halka ah (One China policy), isagoo sidoo kale uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Shiinaha uu siiyo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xi ayaa soo bandhigay qorshaha Shiinaha ee ah in la xoojiyo wada-shaqeynta dhinacyada muhiimka ah sida horumarinta dhaqaalaha, fududeynta ganacsiga, sugidda amniga cuntada, ka-hortagga isbeddelka cimilada, iyo horumarinta awoodda shaqaalaha.

Deeqda $28ka milyan ah waxaa loogu talagalay in lagu taageero baahiyaha degdegga ah ee Soomaaliya, in kastoo aan weli faahfaahin dheeri ah laga bixin sida lacagtaasi loo qaybin doono.

“Shiinaha wuxuu diyaar u yahay inuu Soomaaliya la shaqeeyo si loo xoojiyo wada-shaqeynta loona taageero yoolalka horumarineed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Xi intii uu kulanku socday, isagoo adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta labada dhinac ee danaha wadaagga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Shiinaha deeqda dhaqaale ee uu ballan qaaday , isagoo adkeeyay sida ay muhiimka u tahay wada-shaqeynta sii socota. Wuxuu sheegay in lacagtaan ay muhiim u tahay wax ka qabashada mudnaanta horumarineed ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada sugidda amniga cuntada iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.

In kasta oo deeqdan lacageed ay muhiimad weyn u leedahay Soomaaliya, haddana waxa kale oo ay muujineysaa saameynta sii kordheysa ee Shiinaha uu ku yeelanayo qaaradda Afrika, halkaas oo uu ku baahiyay mashaariic badan oo horumarineed saameyn dhaqaale iyo mid  diblomaasiyadeedba leh. Talaabadan waxaa loo arkaa qayb ka mid ah istiraatijiyadda ballaaran ee Shiinaha ee ah in uu dhiso isbahaysiyo iyo in uu hubiyo ilo muhiim ah, isaga oo isla markaana siinaya taageero dhaqaale waddamo ay Soomaaliya ka mid tahay, oo wajahaya caqabado dhaqaale iyo amni.

Labada hoggaamiye waxay ku heshiiyeen in ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta ku aaddan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee xiriirka la leh danaha labada dhinac, iyadoo deeqdan lacageed ay u tahay tillaabadii ugu dambeysay ee xiriirkooda sii kordhaya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here