Monday, September 16, 2024

Shil ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Dhadhaab

Garissa (Dawan)- Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen shil gaari oo ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada Xagarbuul iyo Sareedo oo kawada tirsan deegaanka Dhadhaab ee Ismaamulka Garissa.

Shilka waxaa sidoo kale ku dhaawacmay shan qof, sida aan kasoo xiganay warbaahinta gudaha ee dalka Kenya.

Sababta shilka ayaa lagu sheegay inuu ka dhashay ka dib markii uu gaari yar isku dayay inuu si xowli ah ku dhinac maro mid kale oo oo ah gaari dadwayne, taas oo keentay inay isku dhacaan labada gaari oo kala ahaa nuuca Probox oo ay saarnaayeen hal qoys iyo mid kale oo ahaa baska dadwaynaha.

Qoyska saarnaa gaariga yar, waxaa dhintay hooyo iyo gabar ay dhashay, waxaan dhaawac soo gaaray ayeeyada gabadha dhimatay iyo darawalkii gaariga.

Gaadiidka gurmadka degdegga ah ee Ambulance iyo ciidamo Boliis ah ayaa goobta gaaray si ay gurmad ugu fidiyaan dadka waxyeeladu soo gaartay, waxaana dhaawacyada iyo meydadka loo qaaday deegaanka Dhadhaab.

Dhwor jeer laamaha dowladda Kenya ee qaabilsan ka hortagga shilalka iyo bad qabka dadweynaha ayaa soo saaray awaamir iyo digniino lagu xakamayanayo shilalka sida is daba joog ah uga dhaca dalkaas balse weli laguma guuleysan in arrintaas xal loo helo.

Shilalka gawaarida ayaa ku badan Kenya, waxeyna galaaftaan sannadkii nolosha dad badan.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here