Sunday, September 8, 2024

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo galay maalintii 2-aad

Muqdisho (Dawan)- Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in maanta la soo gabagabeeyo, iyada oo laga soo saari doono war-murtiyeed ku saabsan waxyaabihii lagu heshiiyay inta uu shirka socday.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa mar kale ka maqan madasha Golaha Wadatashiga Qaran oo looga doodayo arrimo badan oo saameyn ku leh mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.

Arrimaha waaweyn ee shirka looga hadlayo ayaa kala ah, amniga, dhamaeystirka Dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka.

Bishii April, waxaa dib u dhac ku yimid shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu ballansanaa inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, iyada oo xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in ay sababo farsamo awgeed dib loo dhigay shirka.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo la hadlay Dawan TV ayaa hore u xaqiijiyay in madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uusan ka qeybgali doonin shirka Golaha Wadatashiga ee madaxweyanaha Soomaaliya isugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedyada.

Wasiirku waxa uu xusay in Puntland aqoonsiga kala laabatay dowladda Federaalka ah ee hadda jirta sidaas darteedna aysan qeyb ka ahayn shirarkan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here