Friday, October 18, 2024

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo la isagu soo laaban doono 26-ka October

Muqdisho (Dawan)- War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay kulmadii Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka dib la isagu soo laaban doono 26-ka bishan October.

Qodobada ugu waawayn ee diiradda lagu saaray shirka ayaa lagu sheegay arrimaha amniga, dhameystirka hanaanka dimuquraadiyeynta iyo fulinta heshiisyadii hore loo galay.

“Shirkan oo madaxda qaranku diiradda ku saarayeen xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan dagaalka Khawaarijta, dhameystirka hanaanka dimuquraadiyeynta iyo fulinta heshiisyadii hore ee Golaha ayaa waxaa sii socon doona wadatashiyada madaxda, iyadoo dib la isugu soo laabanayo 26-ka bishan October.” ayaa lagu yiri; war-saxaafadeedka.

Kulmadii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee horaantii bishaan ka dhacay Muqdisho ayaa lagu kala kacay, iyada oo wax natiija ah laga gaarin ama laga soo saarin war-murtiyeed.

Arrimaha doorashada ayaa ah qodobka ugu muhiimsan, iyada oo Madaxweynaha Jubbaland uu shuruud uga dhigay in la keeno Golaha qeybaha kale ee ka maqan.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyada oo sii hayaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan uu shalay kulan la qaatay ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Kulankas ayaa daba socday booqashadii uu Swan ku tegay dhawaan Kismaayo ee uu kula soo kulmay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Sida ilo xog ogaal ah oo madaxtooyada Jubbaland ah ay inoo  sheegeen, Swan ayaa weydiiyay Axmed Madoobe aragtidiisa ku saabsan doorashooyinka. Axmed Madoobe ayaa sheegay inuusan diidaneyn doorasho qof iyo cod ah, balse uu diiday doorasho aan loo dhammaan oo aan wada-hadal laga helin dhammaan dhinacyada.

Sidoo kale, Swan ayaa madaxweynaha Jubbaland weydiiyay in uu ku laaban doono magaalada Muqdisho si uu uga qayb galo shirka Golaha Wadatashiga Qaran, hase yeeshee Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan qorshihiisa hadda ku jirin ku noqoshada shirkaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here