Sunday, September 8, 2024

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka furmay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka furay magaalada Muqdisho shirka Maalgashiga Soomaaliya oo lagu soo bandhigayo sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya iyada oo Soomaaliya dhawan laga cafiyay malaayiin dollaar oo deyn ah, caqabadna ku ahayd maalgashiga dalka iyo sidoo kale ku biirista ururka dhaqalaha Bariga Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay tahay dal qani ah oo leh kheyraad kala duwan, sidaas awgeedna ay Xukuumaddiisu ku bixineyso dadaal dheeraad ah soo jiidashada iyo dhiirigelinta maalgashiyo caalami ah oo dalka u horseedi kara isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa ajnabiga ah in ay ka faa’iideystaan fursadaha ka jira Soomaaliya, isaga oo ballan qaaday in shuruucda maalgashiga ee dalku damaanad siinayaan maalgashigooda.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene ayaa sheegay in shirkan uu yahay madal lagu weyneynayo maalgelinta Soomaaliya, isaga oo xusay in ay kasoo qeyb galeen ganacsato ka socota dalalka bariga Afrika.

“Waa marki ugu horeysay ee aan ugu tala galno inaan kusoo jiidano ganacsato maalgashato ah, daneynaayana in ay Soomaaliya imaadeen” ayuu yiri, Wasiir Beenebeene

Wasiirku waxa uu xusay in ujeedada koowaad ee shirka ay tahay in la dardargeliyo maalgashiga shisheeye ee tooska ah iyo soo bandhigista fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, iyada oo indhaha bulshada bariga Afrika lagu soo jeedinayo fursadaha maalgashi ee ka bannaan Soomaaliya.

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa isku soo duba ridday shirka, waxaana ka soo qeyb galay ganacsato ka badan 100 qof oo ka socotay waddamada Bariga Afrika, iyada oo lagu soo bandhigay fursadaha waaweyn ee dhinaca maalgashiga ah ee ka jira Soomaaliya sida beeraha, xoolaha iyo adeegyada bulshada kuwaas oo u baahan in lagu sameeyo maalgelin, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideysto.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here