Sunday, September 8, 2024

Shirka Qurbajoogta Soomaaliyeed oo laga soo saaray go’aano

Dooxa (Dawan)- Shirka Qurbajoogta Soomaaliyeed oo maalmihii lasoo dhaafay ka socda magaalada Dooxa ee Qatar ayaa lasoo gabagabeeyay, iyada oo laga soo saaray go’aano.

Halakan hoose ka aqriso war-saxaafadeedka iyo go’aanadii kasoo baxay;

WAR-MURTIYEED

Waxaa guul ku soo gabagaboobay Shirka Qurbajoogta Soomaaliyeed 2024, kaas oo uu halkudhigiisu ahaa “Jiheynta Awoodda Qurbajoogta Soomaaliyeed Si Loo Gaadho Soomaaliya Bilan oo Barwaaq Ah”, laguna qabtay magaalada Doha ee dalka Qatar, muddadii u dhaxaysay 22 – 24 Luulyo. Shirka oo ay ka soo qaybgaleen khubaro dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada, dhaqanka, tiknoloojiyada, hogaamiyayaal bulsho, culamaa’uddiin,
sugaanyahanno, iyo xubno laga doorto deegaannada ay ku noolyihiin.


Kasoo-qaybgalayaasha shirka ayaa ka kala yimid daafaha dunida, iyaga oo
muddadii saddexda maalmood ee shirku socday gorfeeyay mowduucyo ay kamid
yihiin:

  • Caqabadaha iyo fursadaha ka jira qurbaha,
  • Kobcinta awoodda dhalinyarada ee xagga tacliinta iyo tiknoolajiyada
  • Xoojinta midnimada iyo kaalinta qurbajoogtu ku leeyihiin.
  • Xoojinta iskaashiga qurbajoogta si loo gaaro barwaaqo.
  • Ka faa’iideysiga aqoonta iyo hal-abuurrada ganacsi ee qurbajoogta.
  • Iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dowladda Soomaaliya iyo dowladda Qatar.
  • Habka ugu haboon ee ay dowladdu ugu adeegi karto qurbajoogta.
  • Kaalinta qurbajoogta ee u qareemidda qaranimada Soomaaliyeed.

    Waxaa gorfaynta mowduucyada barbar socday barnaamijyo doceed ay kamid
    yihiin bandhigyo isugu jiray fan, suugaaan buugaag, farshaxan, iyo kulamo guulo-tirsi ah ee qurbajoogta Soomaaliyeed.

    Natiijooyinka Ugu Muhiimsan Ee Shirka:
  • Shirka ayaa uga mahadceliyey dowladda Soomaaliya qabanqaabada, iyo isku keennida qurbajoogta Soomaaliyeed si loo jiheeyo awooddooda loona gaaro mustaqbal bilan oo barwaaqo ah. Waxaa sidoo kale shirku bogaadiyey horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ay dowladda Soomaaliya xaqiijisay sanadihii la soo dhaafay, hawlgallada dowladdu ay dalka kaga sifaynayso Khawaarijta Alashabaab, difaacidda midnimadda, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed, iyo kahor tagga damaca qaawan ee Itoobiya ay ku doonayso qaybo kamid ah dhulka iyo xeebaha Soomaaliyeed.
  • Joogtaynta shirarka qurbajoogta Soomaaliyeed iyo unkidda dallad guud oo midaysa ururada qurbajoogta, iyaga oo yeelanaya kulamo joogta ah oo baritaaraya dedaallada horumarineed ee qurbaha iyo dalka gudihiisaba.
  • Adeegsiga aqoonta casriga ah iyo tiknoolojiyada si sare loogu qaado karaanka dhalinyarada Somaaliyeed iyada oo laga faa’iideysanayo aqooonta iyo xirfadaha qurbajoogta.
  • Waxaa shirku bogaadiyay kaalinta qurbajoogta ee barnaamijyada horumarineed iyo kuwa ganacsi ee dalka, iyada oo la dhirigeliyay sare u qaadida karaankooda iyo xiriirkooda wadashaqayneed.
  • In hal-abuurka aqooneed iyo ganacsi ee qurbajoogta oo ah mid sameeyay, samaynaya horumar joogta ah aan looga maarmin tayaynta ha’yadaha horumarineed iyo kuwa ganacsi ee dalka.
  • Xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah ee Soomaliya iyo Qatar oo ah mid samayay, samaynayana horumar la taaban karo, kaas oo dan u ah labada dal iyo guud ahaan gobolka.
  • Sare u qaadidda adeegyada Safaaradaha dowladdu u fidinayayaan qurbajoogta iyo socotada Soomaaliyeed.
  • In la dardargeliyo kaalinta hormuudnimo ee qurbajoogtu ku leyihiin u qareemaidda midnimada iyo qaranimda Soomaaliya.
  • Dowladda ayaa ballanqaadaysa fulinta go’aanada ka soo baxay shirka, waxaana u xilsaaran Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

    Gabagabadii iyo gunnaanadkii, shirku waxa uu uga mahadceliyay dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar martigelinta shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed 2024, iyo guud ahaan kaalinteeda wax-kuoolka ah ee dib-u-dhiska dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here