Muqdisho ayaa martigelin doonta kulanka labaad ee fulinta heshiisyadii ka soo baxay Shirka Saddex-Geesoodka Asmara, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Masar.
Wasiirrada arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Ereteriya, iyo Masar ayaa maanta kulan ku yeeshay Qaahira si ay u dib-u-eegaan fulinta qodobadii ay madaxda saddexda dal ku heshiiyeen intii lagu guda jiray shirkii Asmara ee dhacay 10-kii Oktoobar 2024.
Kulanka Qaahira waxaa martigaliyey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar, Badr Abdel-Atti, iyadoo uu ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Ahmed Maalim Fiqi, iyo dhiggiisa Ereteriya, Osman Saleh Mohamed. Wasiirradu waxay si gaar ah uga wada hadleen amniga gobolka, ilaalinta madax-bannaanida dalalka Geeska Afrika iyo Badda Cas, iyo taageeridda mabaadi’da sharciga caalamiga ah.
Taageeridda Nabadda iyo Amniga Soomaaliya
Wasiirrada ayaa ammaanay wada-shaqeynta saddexda dal ee ku aaddan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan taageerada Soomaaliya. Waxay si gaar ah u bogaadiyeen doorka Masar ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo qeyb weyn ka qaadanaya xasilloonida iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.
Shir Laga Filaayo Muqdisho
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale xaqiijiyey in kulanka labaad ee Saddex-Geesoodka uu ka dhici doono Muqdisho, inkastoo taariikh rasmi ah aan weli la shaacin. Wasiirradu waxay isku raaceen in ay sii xoojiyaan isku-dubaridka dadaallada lagu xaqiijinayo heshiisyadii Asmara.
Shirka Asmara, oo lagu saxiixay bilowgii khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay heshiiskii MoU-ga, ayaa diiradda saarayey xoojinta amniga gobolka, ilaalinta madax-bannaanida dalalka, iyo in la taageero mabaadi’da aan faragelin gudaha dalalka kale.
Waxaa la filayaa in shirka Muqdisho uu si qoto dheer u faaqidi doono hirgelinta heshiisyada iyo dadaallada lagu taageerayo nabadda gobolka.