Thursday, September 19, 2024

Shirkadaha Favori LLC iyo Albeyrak oo markale musuq lagu tuhunsanyahay

Muqdisho (Dawan)- August 2023 dowladda Soomaaliya ayaa musuq ku tuhuunsaneed laba shirkadood oo laga leeyahay dalka Turkiga kuwaas oo kala ah Favori LLC iyo Albeyrak sidoo kale August 2024  waxaa isla labadii shirkadood loo jeediyay tuhun kale

Laba shirkadood oo laga leeyahay dalka Turkiga, Favori LLC iyo Albeyrak, ayaa markii labaad ku xadgudbay heshiisyadii dheef-wadaaga ahaa ee ay la galeen dowladda Soomaaliya  sida uu sheegay Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Axmad Ciise Guutaale.

Warbixinta maaliyadeed ee sanadlaha ah ee Hantidhowrka Qaranka ee sanadkan ayaa shirkadahan ku eedeysay in aysan dakhliga kasoo baxa dekedda iyo garoonka diyaaradaha u marin baaris hanti-dhowr madax bannaan, taas oo ah ku xadgudub heshiisyada lala galay.

Shirkadda Favori LLC ayaa la sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku leedahay 25% dakhliga kasoo xarooda garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halka shirkadda Albeyrak ay dowladda ku leedahay 64.17% dakhliga kasoo xarooda dekedda.

 Si kastaba ha ahaatee, labada shirkadood midna lama wadaagin warbixinadooda maaliyadeed ee dhameystiran Hantidhowrka Qaranka, iyagoo kaligood haysta xogta dakhliga kasoo xarooda dekedda iyo garoonka diyaaradaha.

Sanadkan, labada shirkadood ayaa dowladda Soomaaliya usoo xareeyay isku dar dakhli gaaraya $34,261,371, halka sanadkii hore ee 2022 ay dowladdu ka heshay dakhli gaaraya $32,442,286.00.

Hantidhowrka ayaa sidoo kale sanadkii hore bishii agoosto shirkadahan ku eedeysay inaysan raacin habraacyada lagu caddeynayo dakhliga soo gala, wallow aan la ogeen meesh ay ku dambeysay dabagalka eedaas  iyo baaritaanadeedi.

Tani ayaa ka dhigan in shirkadaha Favori LLC iyo Albeyrak ay laba goor jabiyeen heshiisyadii ay la galeen dowladda Soomaaliya, iyadoo aan wax intaas  dhaafsan aan laga ogeyn meesha ay ku danbeyso marka laga reebo eedeymaha soo noqnoqday.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here