Jabuuti (Dawan)- Abuukar Cumar Haadi, oo ah Guddoomiyaha Maamulka Dekedaha iyo Goobaha ka caagan canshuuraha ee Jabuuti ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wafdi heerkiisu sareeyo oo ka socda dalka Masar. Wafdiga waxaa ka mid ahaa Khaalid Faadi Maxamuud , Safiirka Masar u fadhiya Jabuuti iyo Maxamed Al Qamaax, Maamulaha Guud ee shirkadda Elsewedy Electric.
Labada dhinac waxay kawada xaajoodeen sidii diiradda loo saari lahaa abuurista iskaashi istaraatiijiyadeed ee dhinacayda tamarta iyo mashaariicda kaabayaasha. Sidoo kale waxaa la isla soo qaaday horumarinta iyo dhismaha Waddada 18ka ee Jabuuti.
Wafdiga Masar waxa uu muujiyay xiisaha ay u qabaan ka faa’iidaysiga aagagga xorta ah ee Jabuuti iyo tas-hiilaadka ay ku taageeraan saadka iyo howlaha la xiriira dhoofinta.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Maamulka Dekedaha iyo Goobaha ka caagan canshuuraha ee Jabuuti, waxa uu iftiimiyay faa’iidada ku jirta tartanka furan ee shirkadaha doonaya maalgashiga qaybaha kala duwan ee Jabuuti, gaar ahaan dhinaca daabulidda shixnadaha ee cirka iyo badda Jabuuti oo hadda isku xira 24 magaalo oo ku kala yaalla 27 waddan.
shirkadda Elsewedy Electric, waxa ay xoogga saarataa maalgashiga alaabada korantada, dhismaha, dhijitaalka iyo kaabayaasha dhaqaalaha, waxayna ka howlgashaa ilaa 19 waddan oo u badan qaaradaha Africa iyo Aisa.
Arrintan ayaa imaaneysa iyada oo mas’uuliyiinta labada dal ay dhawaan isku waafaqeen sidii la isaga kaashan lahaa ballaarinta dhanka xamuulka ah ee hawada iyo badda iyada oo laga faa’iideysanayo duulimaadyada ay diyaaradda Masar ku tagto dalka Jabuuti.