Monday, September 16, 2024

Shirkadaha Xawaaladaha oo la faray inaya adeegsadaan magaca Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku wajahan dhammaan shirkadaha bixiya adeegyada maaliyadeed, oo ay ku jiraan shirkadaha xawaaladaha, gaar ahaan Dahabshiil , paysii  iyo Xawaalada Juba.

Shirkadahaan waxaa la faray inay  hubiyaan in howlahooda  ay waafaqsanyihiin madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Amarkan, oo loo diray hay’adaha maaliyadeed sida PaySii, Dahabshiil, iyo Jubba Express, ayaa faraya in ay joojiyaan isticmaalka magaca Somaliland, iyadoona lafaray   inay kaliya ay isticmaalaan magaca Soomaaliya, waxaana loo qabtay mudda ku eg 1-da September 2024.

Dowladu waxay amarkaan u cuskatay qodobka 1 , faqradiisa 5,aad  ee Dastuurka Ku-meel-gaarka ah, kaas oo waajibinaya dhammaan shirkadaha inay u hoggaansamaan, madax-bannaanida, iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, gaar ahaan marka laga hadlayo xuduudaha dalka ee dhulka iyo badda.

Sidoo kale, amarka Wasaaradda wuxuu farayaa shirkadaha la shaqeeya hay’ado kale inay hubiyaan in hawlahooda aysan ka hor imaan madaxbannaanida Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa isbuuci hore sidaan oo kale shirkada duulimaadyada ee Itoobiya iyo Dubai FLY  fartay in ay ilaaliyaan madxbanaanida Soomaaliya oo ay isticmaalaan magaca Soomaaliya, waxeyna shirkadahan fuliyeen amarkaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here