Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray Agaasimhii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka, Fahad Yaasiin.
Sidddeed dareen iyo siyaasadda Soomaaliya
1. 𝗖𝗜𝗜𝗟 𝗦𝗜̇𝗬𝗔𝗔𝗦𝗔𝗗𝗘𝗘𝗗 Waxaa dareemaya mucaaradkii shalay ee Wareegii 2aad iyo 3aad dhistay Xasan Sheekh.
2. 𝗛𝗨𝗡𝗚𝗢𝗢𝗪 𝗦𝗜𝗬𝗔𝗔𝗦𝗔𝗗𝗘𝗘𝗗 Waxaa dareemaya qof kasta oo ismoodsiiyey Xasan Sheekh baad wax la leedahay ama waad la yeelan kartaa, iyo dadkii filayey in odayga sidii hore kasoo raynayo.
3. 𝗤𝗔𝗡𝗔𝗔𝗖𝗢 𝗦𝗜̇𝗬𝗔𝗔𝗦𝗔𝗗𝗘𝗘𝗗 Waxaa ku qaba dowladda Xasan Sheekh, hal qof oo kaliya, waana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka laftiisa.
4. 𝗚𝗨𝗨𝗟 𝗦𝗜̇𝗬𝗔𝗔𝗦𝗔𝗗𝗘𝗘𝗗 Waxaa ku fadhiya Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada. Awoodo idmanna waa la siiyey, waqti kuma socdo, markay rabaana waa guuri karaan.
5. 𝗠𝗔𝗥𝗤𝗔𝗔𝗡 𝗦𝗜𝗬𝗔𝗔𝗦𝗔𝗗𝗘𝗘𝗗 Waa farxad ku meel gaar ah oo dhadhankeedu dheer yahay, kolka aad ka soo baraarugtana aysan waxba ku soo raacaynin. Xaaladdaas waxaa ku dhex nool Ra’isal Wasaare Xamse Cabdi Barre.
6. 𝗤𝗨𝗨𝗦 𝗦𝗜̇𝗬𝗔𝗔𝗦𝗔𝗗𝗘𝗘𝗗 Waxaa gaaray Beesha Caalamka, waxayna bilaabeen iney is weydiiyaan sidee u ekaan karaa mustaqbalka dalkaan?
7. 𝗪𝗔𝗥𝗘𝗘𝗥 𝗦𝗜̇𝗬𝗔𝗔𝗦𝗔𝗗𝗘𝗘𝗗 Waxaa khaati billaahi iyo rafaad taagan dowladihii jeclaa iney Soomaaliya caawiyaan ama xiise gooni ah u hayey Xasan Sheekh.
8. 𝗠𝗨𝗥𝗨𝗚𝗢 𝗦𝗜̇𝗬𝗔𝗔𝗦𝗔𝗗𝗘𝗘𝗗 Waxaa niyad jab, rajo xumo iyo caro isugu darsoontay shacabka. Kuwii noolaa dhulalkii ay degenaayeen baa laga qixiyey, kuwii aasnaana waa lasoo faagay. Dhulka korkiisa iyo hoostiisa insaankii joogay xaalad murugo siyaasadeed baa wada haysta.