Saturday, November 23, 2024

Sidee ku timid in Dameerka iyo Maroodigu astaan u noqdaan xisbiyada Mareykanka?

Washington (Dawan)- Markaad u fiirsato labada Xisbi ee ku loolama had iyo jeer doorashada Mareykanka, waxaa astaan u kala ah Dameer iyo Maroodi, hadaba waa maxay sababta?

Tan iyo qarnigii sagaal iyo tobnaad, Maroodiga astaanta u ah Jamhuuriga iyo Dameerka Dimuqraadiga ah ayaa si weyn uga dhex muuqday masraxa siyaasadda iyagoo calaamad u ahaa labada xisbi ee ugu waaweyn dalka Mareykanka.

Laga soo bilaabo sannadihii 1850-aadkii, labadan xisbi oo kali ah ayaa isku bedelayay doorashooyinkii madaxtinimo ee dalka Mareykanka. Millard Fillmore, oo ka tirsanaan jiray xisbiga Whig Party, ayaa ahaa madaxweynihii ugu dambeeyay ee Mareykanka oo aan ka tirsanayn xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ee qabtay xilka madaxtinimada.

Thomas Nast, oo ahaa farshaxamiiste ayaa loo sababeeya inuu kaalin ku lahaa in labada xisbi ay astaan u kala qaataan labadaan xayawaan.

Dameerka iyo Xisbiga Dimuqraadiga

in Dameerka loo isticmaalo astaan waxay soo shaac baxday sannadkii 1824. Sannadkaas, 4 musharrax oo ka socday Xisbigii Dimuqraadiga-Jamhuuriga ayaa u tartamay madaxweyne kuwaas oo kala ahaa; Andrew Jackson, John Quincy Adams, William H. Crawford, iyo Henry Clay. Andrew Jackson ayaa ku guuleystay doorashada laakin muusan helin aqlabiyad u damaanad qaadeysay inuu noqdo madaxweynaha dalka. Sidaas darteed, Congress-ka Mareykanka ayaa madaxweyne u doortay John Quincy Adams .

Andrew Jackson oo arrintaas ka careysan ayaa isaga tegay xisbigiisa wuxuuna sanadkii 1828 dhidibada u taagay Xisbiga Dimuqraadiga.

Markaas kadib mucaaradkiisa ayaa billaabay inay ugu yeeraan Dameer balse isagu uma qaadan dacaayad ka dhan ah ee wuxuu ka dhigtay casgi iyo amaan, wuxuuna billaabay inuu khudbadihiisa kusoo qaato tilmaamaha dameerka ee ay ka mid yihiin dulqaadka iyo dhabar adeegga.

Intaas kuma simin ee waxa uu boorakiisa ololaha doorashada u adeegsaday sawir dameer.

Maroodiga iyo Xisbiga Jamhuuriga

Dhanka kale, Xisbiga Jamhuuriga ayaa si wayn u xoogeystay sannadkii 1854-kii, markii uu la yimid siyaasadii looga soo horjeeday addoonsiga, waxaana ku biiray xubno badan oo hore uga tirsanaan jiray xisbiga Whig Party.

Sannadkii 1860kii, Abraham Lincoln ayaa loo doortay madaxweyne, isagoo noqday Jamhuurigii ugu horreysay ee qabta jagadan.

Astaanta Maroodiga ee xisbigan ayaa la sheega inay soo if-baxday intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee Mareykanka. Jamhuuriga ayaa Maroodiga astaan ahaan u muujiyay dhowr munaasabadood, waxaana kaalin wayn ka qaatay farshaxamiistihii caanka ahaa ee Thomas Nast, oo kusoo sawiri jiray wargeysyadii xilligaas.

Jamhuurigu waxay Maroodiga u arkaan calaamad muujinaysa xoog, dagaal iyo halgan.

Sannadkii 1874kii, warbaahintu waxay billowday inay Maroodiga iyo Dameerka u adeegsadan calaamado lagu kala garto labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga, arrintaas oo markii dambe ay la qabsadeen taageerayaashooda iyo dadka kale ee dunida.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here