Monday, September 16, 2024

Sidee namber-ka 8 xiriir ula lahaa nolosha m/w geeriyooday ee Iran?

Tehran (Dawan)- Kadib markii uu madaxweynihii Iran, Ibraahim Raisi ku geeriyooday shil diyaaradeed 19-kii bishii May, 2024, waxaa warbaahinta kala duwan iyo social media dalkaas qabsaday qisada namber-ka 8-aad iyo sida uu xiriirka ula lahaa nolosha Raisi.

Madaxweynihii 8-aad ee Iran

Intii lagu jiray ololihii doorashada ee 2021, Raisi wuxuu had iyo jeer isku magacaabi jiray “Imaamka siddeedaad,” oo macnaheedu yahay Cali bin Muusa Al-Rida, oo ah imaamka siddeedaad ee Shiicada, isaga oo ugu dambeyn ku guuleystay doorashadii sidaasna ku noqoday madaxweynihii siddeedaad ee dalka Iran kadib kacaankii dalkaas ee dhacay 1979.

Marka la eego natiijada doorashadaas , Raisi wuxuu helay ku dhawaad ​​18 milyan oo cod, iyada oo dadka ka qayb qaatay ay gaarayeen qiyaastii 48.8%, waxaana la caleema saaray bishii 8-aad ee sanadka 2021.

Intii uu ku guda jiray ololihiisa doorashada, Raisi waxa uu la kulmay xiddigo badan oo kubadda cagta ah, wuxuuna ka qayb qaatay daawashada ciyaarihii koobka Asiya ee 2021, isaga oo ballan qaaday inuu taageeri doono hormarinta ciyaaraha dalka. Arrintaas waxa uu ku muteystay in loo hadiyeeyo Fannaanida xulka qaranka Iran oo lagu qoray magaciisa iyo namber 8.

Namberka siddeed ayaa noloshisa oo idil la socday tan iyo markii ay wada geeriyoodeen siddeed qof oo ay wada saarnaayeen diyaarad kasoo qaaday xudduudka ay wadaagaan Azerbaijan.

Kadib baadigoob qaatay saacado badan, ayuu Telefishinka Qaranka Iran shaaciyyay dhimashada madaxweyne Ibraahim Raisi siddeed subaxnimo oo ku beegneed sannad guurada dhalashadii imaamkii siddeedaad ee Shiicada.

Si madaxweyne cusub loosoo doorto, dowladda Iran ayaa muddeysay in doorasho la qabto siddeeda bisha Tir ee taariikhda Iran oo ku beegan 28-ka June ee sannadkan, iyada oo madaxweynaha la doorto la caleema saari doono 8-da July.

Ma jiraa namber kusoo noqnoqda noloshaada oo saameyn kugu leh?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here