Thursday, September 19, 2024

Somaliland: Garsoorka kaliya ayaa iska leh go’aanka kiisaska kufsiga

Hargeysa (Dawan)- Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa maanta fadhigooda 129-aad ku go’aamiyay in kiisaska Kufsiga lagu xalliyo go’aamada Hay’daha Garsoorka oo kaliya, iyada oo madaxda dhaqanka la faray in aysan soo faragelin karin hadda kadib wax la xiriira kufsi.

Fadhiga Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir guddoomiyaya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale looga hadlay qodobo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen amniga, caafimaadka, iyo qorsheyaasha Qaranka, waxaana warbixino laga dhegeystay Wasaaradaha Amniga. Caafimaadka iyo Warfaafinta.

Waxaa deegaanada kala duwan ee Soomaalida kusoo noq-noqday kiisaska kufsiga, iyada oo inta badan lagu xalliyo hannaan ku dhisan dhaqanka oo aan ku salleysnayn caddaaladda.

Lama oga sida uu u dhaqan geli doono go’aanka Somaliland balse durba waxaa u riyaaqay qaybo badan oo ka mid ah bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here