Monday, September 16, 2024

Somaliland: Hala qiimeeyo go’aankii cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya

Hargeysa (Dawan)- Somaliland ayaa walaac xooga ka muujisay hubka soo gelaya Soomaaliya kadib markii laba maalin ka hor lagu boobay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud hub ay dowladdu sheegtay in si sharci darro ah lagu soo geliyay dalka, lagana keenay dhanka Itoobiya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in xaaladda ammaan ee Soomaaliya sii xumaanayso kadib markii ay Al-shabaaab guulo ka gaartay ciidamada dowladda saddexdii bilood ee la soo dhaafay, sidoo kalena ay dad rayid ah iyo maleeshiyo beeleed ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanado kale oo badan.

Arrimahan waxay xasuusin dhab ah u noqonayaan walaaca xukuumadda Somaliland iyo dowladaha kale ay ka qabeen in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya. In kasta oo aan digniino adag bixinay, haddana cunaqabataynta ayaa la qaaday bishii Diseembar 2023″ ayaa lagu yiri, war-saxaafadeedka kasoo baxay Somaliland

Somaliland ayaa tilmaamtay in xukuumadda Soomaaliya ay awoodi waysay inay xakamayso hubka ku jira gacanteeda iyo kan kale ee ay haystaan beelaha, waxeyna ugu baaqday Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inay si degdeg ah dib u qiimeeyaan go’aanka ay kaga qaadeen Soomaaliya cunaqabataynta hubka.

Wasaaradda ariimaha dibadda ayaa tiri; “Somaliland waxay u soo jeedinaysaa beesha caalamka inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanayo dhibaatadan, loogana hortagayo xasilooni darro kale oo gobolka ka dhalata” .

Walaaca Somaliland ayaa yimid kadib markii dhawaan lagu boobay magaalada Caabduwaaq hub ay la socdeen qaar ka mid ah ciidamada dowladda, taas oo dhalisay walaac iyo cabsi badan.

Dowladda Somaaliya waxay ballan qaaday in hubka lagu soo celin doono gacanta dowladda, iyada oo ugu baaqday waxgaradka iyo oday dhaqameedka inay la shaqeeyaan laamaaha kala duwan ee amniga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here