Thursday, September 19, 2024

Somaliland oo ka carootay taageerada Masar ee midnimada Soomaaliya

Hargeysa (Dawan)- Somaliland ayaa aad uga carootay hadal uu dhawaan yiri, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar xilli ay si wada jir ah shir-jaraa’id ugu qabteen magaalada Qaahira, dhiggiisa Turkiga, Hakan Fidan.

Somaliland ayaa ku tilmaamtay hadallada Masar ee la xiriira is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya kuwo aan sax ahayn oo marin-habaabin ah, waxeyna Masar ku eedeyaysay inay iska indhatireyso xaqnimada madaxbannaanida shacabka Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa ku celisay inay ka go’an tahay hirgeilinta Is-afgaradka, iyadoo ku nuux-nuuxsatay in heshiiskas uu ka tarjumayo danaha iyo iyo ixtiraamka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

“Waxaan ugu baaqaynaa dawladda Masar inay ixtiraamto madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yiri; war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland. Somaliland waxa kale oo ay Masar ku boorisay in ay dadaalkeeda diblomaasiyadeed u weeciso xal u helidda xasaradaha ka taagan xuduudaha ay la wadaagato Liibiya, Suudaan iyo Falastiin.

Muxuu yahay hadalka ka careysiiyay Somaliland?

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Cabdicaadi ayaa markale ku celiyay mowqifka adag ee dalkiisu ka taagan yahay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la ilaaliyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya isaga oo si cad u sheegay in Masar ay diiddan tahay is-afgaradkii dhanka badda ahaa ee horaantii sanadkan dhex maray Itoobiya iyo Somaliland

Hadalkan ayuu sheegay Wasiirku xilli uu shir jaraa’id la a qaatay dhiggiisa Turkiga Hakan Fidan, oo Itoobiya booqasho ku tegay saddex maalin ka hor.

Wasiirka ayaa yiri: “Masar waxay si adag u diiddan tahay isku day kasta oo lagu waxyeeleynayo midnimada iyo amniga gayiga Soomaaliyeed, waxaana mar kale ku celineynaa muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya”.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay hadalka Masar, ee lagu taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya sidoo kalena looga soo horjeedo heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee badda.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis ay Itoobiya ku gaareyso badda, Somaliland-na ku heleyso aqoonsi iyo saami shikradda diraadaha Ethiopian Airlines 1-dii bishii January 2024.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hortimid heshiiskaas, waxa uuna dhaliyay xiisad diblomaaasiyeed oo labada dal ka dhex qaraxday, taas oo gaartay in safaaradaha la kala qaato.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Dowladaha Geeska Afrika ayaa la macaamila Somaliland inkasta oo aysan si rasmi ah ugu dhawaaqin in ay u aqoonsanyihiin dowlad ka madax bannaan Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here