Sunday, September 8, 2024

Somaliland oo ka hortimid in ciidamo Turki ah la keeno xeebaha Soomaaliya

Hargeysa (Dawan)- Somaliland ayaa si adag uga hortimid qorshaha Turkigu ku doonayo inuu ciidamo ugu soo diro xeebaha Soomaaliya si loo hirgeliyo heshiisyadii uu la galay Soomaaliya ee baaritaanka shidaalka iyo difaaca.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa lagu cadeeyay inaan ciidamo ka socda Turkiga aysan imaan karin xudduudaha loo aqoonsanyahay inay maamusho Somaliland, iyada oo la ilaalinayo madax-bannaanideeda dhuleed.

“Tillaabo kasta oo hal dhinac ah oo ka timaada dibadda, sida ujeedka la sheegay in ciidamada badda ee Turkigu ay ka hawl-galaan aagga badda Somaliland, waxay ka dhigan tahay xad-gudub weyn oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo xuquuqda madaxbannaanida Somaliland” ayaa lagu yiri; war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Somaliland

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in falalka caynkaas ah ay wiiqayaan xasilloonida gobolka, kana horimaanayaan nabad ku wada noolaanshaha dowladaha deriska ah.

Somaliland waxay beesha caalamka ugu baaqday in la ixtiraamto lana dhowro xurmada xuduudaha baddeeda, waxayna carrabka ku adkeysay baahida loo qabo in dhammaan dhinacyada ay quseyso inay ka wadahadlaan qaab-dhismeedka sharci ee caalamiga ah ee lagu maamulayo dhul-badeedka.

Sidoo kale, Somaliland waxay tilmaamtay sida ay uga go’antahay in ay kobciso xiriirka iyo wada shaqaynta ay la yeelanayso umadaha kale kaas oo ku salaysan is ixtiraam iyo u hoggaansanaanta xeerarka caalamiga ah.

War-saxaafadeedka ayaa lagu soo gabagabeeyay in Somaliland ay sii wadi doonto ilaalinta madax-banaanida dhulkeeda iyo qaranimadeeda, iyada oo ka ilaalinaysa cid kasta oo isku dayda inay ku soo xad-gudbto.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Dowladaha Geeska Afrika ayaa la macaamila Somaliland inkasta oo aysan si rasmi ah ugu dhawaaqin in ay u aqoonsanyihiin dowlad ka madax bannaan Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here