Monday, September 16, 2024

Somaliland oo qorsheyneysa hirgelinta Sanduuqa Horumarinta Qaranka

Hargeysa (Dawan)- Gudiga heer Qaran ee Qorshaynta Somaliland ayaa yeeshay kulankoodi bil laha ahaa kaas oo lagu jaan gooyo qorshayaasha Horumarineed si looga mira dhaliyo yoolka dhinacayda nabadda, Dimoqraadiyadda iyo kor u qaadidda heerka nololeed ee muwaadiniinta.

Kulanka oo ka qabsoomay xarunta Madaxtoodaya Somaliland ayaa laga soo saaray qodobo muhiim ah waxaana kamid ah qodobada ay gudigu isla qaateen:-

1. Soo jeedinta qaabka ugu haboon ee ay Somaliland toos ugu helayso deeqha iyo maalgelinta.

2. Hirgelinta Sanduuqa Horumarinta Qaranka oo 20% miisaaniyada qaranka loo qoondeeyo si la isu waafajiyo Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo Miisaaniyada Qaranka.

3. Guddiga Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa go’aaminaya mashaariicda laga maalgelinayo Sanduuqa Horumarinta Qaranka oo ku salaysnaan doona mudnaanta Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo goobaha laga fulinayo si loo hubiyo faa’iidada mashruucu soo hoynayo iyo sinnaanta muwaadiniinta.

Gudiga Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa ka kooban Wasiiradda Wasaaraddaha Qorshaynta, Maaliyada, Arimaha Gudaha, Arimaha Dibada, Horumarinta Maalgashiga, Xanaanada Xoolaha, Beeraha, Reer Miyiga, Waxbarashada, Biyaha, Gaadiidka, iyo Caafimaadka.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Bare.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here