Thursday, September 19, 2024

Somaliland oo sheegtay inay qabatay xubno ka tirsan NISA

Hargeysa (Dawan)- Hay’adda sirdoonka Somaliland ayaa sheegtay in gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA kuwaas oo sida ay sheegtay qorsheynayay inay gudaha Somaliland ka fuliyaan falal ka dhan ah h amaanka.

“Hay’adda sirdoonka Somaliland ee NIA, waxa ay gacanta ku dhigtay koox ka tirsan NISA oo hawlgallo looga soo diray Muqdisho ku saabsan inay qas ka abuuraan Somaliland iyo dilal qorshaysan gaar ahaan Boorame” ayaa lagu yiri, qoraal kooban oo kasoo baxay Hay’adda sirdoonka Somaliland

Waxay intaas ku sii dartay in xubnaha lasoo qabtay ay ahaayen labo, iyada oo lagu daba jiro lix kale.

Dowladda Soomaaliya wax war ah kama soo saarin weli hadalka soo baxay hay’adda sirdoonka Somaliland ee lagu sheegay in lagu qabtay xubna ka tirsan NISA iyo eedeynta loo jeediyay ee ka dhanka ah xasiloonida.

Somaliland ayaa dhowr jeeer ku eedeysay dowladda Soomaaliya in ay qayb ka tahay isku dayo lagu doonayo in qalqal lagu galiyo nabadgalyada deegaanada Somaliland.

Labada dhinac waxaa soo kala dhex galay khilaaf xoogan tan iyo markii uu dhacay is-afgaradkii badda ee Somaliland iyo Itoobiya billowgii sannadkan, waxayna is dhaafsadeen erayo culus, iyada oo ay joogsadeen wadahaddalladii lagu ballansanaa in xal looga gaaro arrimaha masiiriga ah ee ka dhexeeya labada dhinac.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here