Thursday, September 19, 2024

Somaliland oo soo bandhigtay diyaarado lagu tababarayo duuliyaal

Hargeysa (Dawan)- Somaliland ayaa maanta soo bandhigtay diyaaradihii ugu horeeyay ee ay yeelato kuwaas oo lagu tababari doono farsamo-yaqaano iyo duuliyayaal madani ah muddo laba sano ah.

Arrintan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uu maanta kormeer ku tagay garoonka diyaaradaha ee Cigaal iyo talisyada ciidamada ee Somaliland.

far-samayaqaanada iyo duuliyayaasha ayaa qaadan doono casharada la xriira cillad bixinta iyo duulimaadyada diyaaradaha, si loo helo muwaadiniin aqoon dheeraada u leh arrimaha duulimaadyada, ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Sida warbixinta madaxtooyada lagu sheegay, waxaa cashirada bixin doona Macalimiin ajaanib ah oo aqoon u leh xirfadaas, inkasta oo aan la sheegin dalka ay kasoo jeedaan.

Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in qorshaha madaxweynaha ay ku jirto ka mira dhalinta hirgelinta iyo aas-aaska shirkadda Diyaaradaha ee Somaliland Airline mustaqbalka dhaw.

Sidoo kale, Muuse Biixi, waxa uu kormeeray taawarka laga hago diyaaradaha kala duwan ee isticmaalaya hawada Somaliland, isaga oo warbiximo ka dhegeystay Maareeye ku xigeenka Hay’adda Duulista iyo Madaarada , Sharmaake Ismaaciil Idiris iyo hawl-wadeenada dhinaca hawada.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyda oo ay wali taagantahay xiisadda Muqdisho iyo Hargeysa ee la xiriirta maamulidda hawada, waxeyna labada dhinac isweydaarsadeen dhowr jeer eedeymo kala duwan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here