Monday, September 16, 2024

Somaliland oo walaac ka muujisay wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya

Hargeysa (Dawan)- Somaliland ayaa walaac ka muujisay wadahadallada lagu wado in ay dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya ku dhex maraan Turkiga si xal looga gaaro xiisadda ka taagan arrimaha badda.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in Wasiir Ciise Kayd uu la kulmay Qunsulka Turkiga ee Hargeysa si uu ula wadaago walaaca Somalialnd ay ka qabto wadahadallada.

Arrintan ayaa imaaneysa iyada oo ay Turkiga ku suganyihiin labada wafdi ee ka qayb galaya wadahadallada, waxaana la filaya in dhawaan la guda galo wadaxaajoodka oo hore loo qorsheeyay maanta oo ku beegan 1-da bisha July.

Dhanka Soomaaliya waxaa ku matalaya wadahallada la taliyaha amniga Qaranka Xuseen Macallin, wasiirka arrimaha dibadda Axmed Fiqi iyo xubin ka socota madaxtooyada oo magaceeda lagu soo koobay Ruqiyo. Dhanka Ethiopia waxaa wadahadalka u qaabilsan wafti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Taye Atske Selassie.

Somaliland iyo Ethiopia ayaa kala saxiixday heshiis ay Ethiopia ku gaareyso badda, Somaliland-na ku heleyso aqoonsi iyo saami shikradda diraadaha Ethiopian Airlines 1-dii bishii January 2024.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa arrintan ka hortimid, waxa uuna dhaliyay xiisad dublamaaaisayeed oo labada dalka ka dhex dhalatay, taas oo gaartay in safaaradaha la kala qaato.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa hore u muujiyay inuu diyaar u yahay fududeynta dadaallo lagu dhexdhexdinayo labada dowladood, si xal looga gaaro khilaafka soo kala dhex galay labada dhinac kadib heshiiskii badda ee Itoobiya iyo Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa madaxweynihii hore ee dalkaas Mulatu Teshome Wirtu u diray dalka Turkiga bishii May ee lasoo dhaafay, si uu ula kulmo Madaxweyne Erdoğan, tillaabaas oo lagu micneeyay in ay gogol xaar u ahayd wadahadallada iyo dhexdhexaadinta Turkiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo maray Turkiga xilli uu kasoo laabanayay booqasho uu ku tegay qaar ka mid ah dowaladaha Yurub, wuxuuna Ankara kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, oo ah mas’uulka uu Erdoğan u xilsaaray arrimaha wadahadallada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here