Thursday, September 19, 2024

Somaliland oo war kasoo saartay qaraxii xeebta Liido

Hargeysa (Dawan)- Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa lagu cambaareeyey qaraxii xalay ka dhacay xeebta Liido kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof, tiro intaas kasii badan uu dhaawac kasoo gaaray.

“Waxaan aad uga xunahay ugana naxnay falkii argagaxa lahaa ee ka dhacay Xeebta Liido oo galaaftay nolosha dad rayid ah oo aan waxba galabsan, gaar ahaan dhalinyarada” ayaa lagu yiri; qoraal lagu baahiyay barta X ee Wasaaradda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa intaas ku dartay inay garabtaagantahay xilligan adag dhammaan qoysaskii ay ka baxeen dadkii rayidka ahaa ee ay dhibaatadu soo gaartay, waxeynta tacsi u dirtay eheladdi dadkii ku geeriyooday qaraxa.

in ka badan 32 qof ayaa ku dhintay, ku dhawaad ​​63 kalena waa ay ku dhaawacmeen, weerar ay rag hubeysan ku qaadeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, habeenimadii xalay ee Jimcaha ahayd, sida uu sheegay afhayeenka Boliiska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan.

Nawaaxiga Xeebta Liido ayaa caan ku ah Hoteelo iyo Maqaayado waaweyn oo inta badan loo nasiino tago, waxaana horay uga dhacay weeraro sidaan oo kale ah.

Muddo sanado ah ayay dowladdu dagaal kula jirtay ururka Shabaab oo la aas-aasay horraantii sannadkii 2004-tii, waxaana laga saaray magaalooyin waawayn inaksta oo ay weli awood ku leeyihiin dhowr magaalo iyo dhulka miyiga ah.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here