Hargeysa (Dawan)- Soomaaliland ayaa jawaab ka bixisay hadalkii Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni ee ahaa inuusan taageereynin qorshaha ay Somaliland ku dooneyso in ay uga go’do Soomaaliya.
Warqad kasoo baxday wasaarada Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliland ayaa lagu caddeeyay mowqifka nuuca wadahadal ee Soomaaliland iyo Soomaaliya, iyada oo meesha ka saartay qorshaha ah in laga wada hadal midnimo.
“Waxaanu qaranka Jamhuuriyadda Somaliland u caddaynaynaa in wada hadal kasta oo dhex mara Jamhuuriyadda Somaliand iyo Soomaliya aanu ahayn midoow ee uu yahay sidii labada dowladood ee hore u midoobay ay uga wada hadlaan kala gurasho iyo in lakala tago. Sidaa darted, Jamhuuriyadda Somaliland waxay u caddaynaysaa mar kale, midawga Afrika yo Bulshada kale ee caalamkaba in aanay diyaar u ahayn wada hadal ujeedadiisu tahay midnimo dambe” ayaa lagu yiri, qoraalka wasaaradda.
11 sano ayaa laga joogaa markii dowladdii ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Soomaaliland uu dhexmaray wada hadalkii ugu horeeyay kadib ku dhawaaqistii gooni isku taaga Soomaaliland oo hada laga joogo 32 sano.
Dhowr isku day oo ay dowladda Soomaaliya ku dooneesay midnimo kale mudadaas majirto wax natiijo ah oo laga gaaray midowga Soomaaliland iyo Soomaaliya.
Inta badan dowladaha Geeska Africa ma caddo mowqifkooda ku aadan midowga Soomaaliland iyo Soomaaliya marka laga reebo Uganda oo madaxweyaheedu sheegay in ay isku baahayihiin laba dhinac ayna isdhameystiraayaan hadii ay dib usoo celiyaan midnimadooda, isaga oo ballan qaaday in uu kaalin ka qaadan dhexdhexaadinta labada dhinac.