Hargeysa (Dawan)- Shirgudoonka labada Gole ee Wakiilada iyo Guurtida Somalialnd ayaa heshiis ka gaaray khilaafkii ka jiray xeerarkii doorashooyinka iyo ururada siyaasadda, waxeyna soo saareen qodobada soo socda;
- In Golaha Guurtidu ay dib ugu celiyaan Madaxweynaha wax ka beddelka xeerka lr.91/2023 oo ah xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwan gelinta codbixinta iyo xeer lr 14/ 2023 oo ah xeerka nidaamka ururada iyo asxaabta siyaasadda
- Madaxweynuhu waa inuu kusoo celiyaaa wax beddelka labadaas xeer Golaha Wakiilada muddada ugu dhaqsiyaha badan (lama xadidin waqti)
- Hadduu Madaxweynuhu soo celiyo labada xeer waxay Golaha Wakiiladu u gudbinayaan Golaha Guurtida muddo 3 maalin guduhood ah laga bilaabo taariikhada lasoo celiyay.
- Golaha Guurtidu waa inuu uga soo jawaaba labada xeer muddo 10 maalmood guduhood ah kadibna kusoo celiya Golaha Wakiilada si ay ugu sii gudbiyaan Madaxweynaha.
- In labada Gole ay sameystaan xeer hoosaad ay ku maamulaan nidaanka xeer dejinta.
- Labada Gole fasax ma geli karaan ilaa laga dhmaystirayo wax ka beddelka xeerka doorashooyinka iyo nidaamka ururrada iyo asxaabta siyaasadda
- In doorashooyinka isa saarka ah ee madaxtooyada iyo tartanka ururada/ siyaasada la qabto November 2024
- In laga noqday dhamaan waraaqihii ku saabsanaa labadaan xeer ee kasoo kala baxay Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida xilligii khilaafka.