Sunday, September 8, 2024

Somaliland: Waxaa naga go’an hirgelinta heshiiskii Itoobiya

Hargeysa (Dawan)- Somaliland ayaa markale ku celisay sida ay uga go’antahay hirgelinta heshiiskii isfahan ee ay la saxiixatay billowgii sanadkan dowladda Itoobiya, kaas oo u ogolaanayay Itoobiya inay hesho bad ay u adeegsato ganacsi iyo saldhig ciidan.

War-murtiyeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in heshiiskaas uu muhiimad gaar ah u leeyahay danaha iyo iskaashiga ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya.

“Somaliland waxay caddaynaysaa inay xaq u leedahay madax-bannaanideeda iyo inay xidhiidh iyo heshiisyo la gasho dalalka kale, waxaana ay ku taalla bogcad istaraatiji ah, waana halbowleyaasha badda cas,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in dowladda Soomaliya aysan kaalin ku yeelan karin isfahamka Somaliland iyo Itoobiya, loogana baahan yahay inay ka fogaato faragelinta arrimahaha gudaha ee Somaliland.

Somaliland iyo Ethiopia ayaa kala saxiixday heshiis ay Ethiopia ku gaareyso badda, Somaliland-na ku heleyso aqoonsi iyo saami shikradda diraadaha Ethiopian Airlines 1-dii bishii January 2024.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hortimid heshiiskaas, waxa uuna dhaliyay xiisad diblomaaasiyeed oo labada dal ka dhex qaraxday, taas oo gaartay in safaaradaha la kala qaato.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Dowladaha Geeska Afrika ayaa la macaamila Somaliland inkasta oo aysan si rasmi ah ugu dhawaaqin in ay u aqoonsanyihiin dowlad ka madax bannaan Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Somaliland waxay dhowr jeer wada yeesheen wada hadallo soo billaawday sannadkii 2012, kuwaas oo ka dhacay magaalooyin badan sida Istanbul, Abu Dubai iyo Jabuuti inkasta oo aan wax natiijo ah laga gaarin wadahadalladaas.

Shirkii ugu dambeeyay ee wada hadallada labada dhinac waxa uu ka dhacay Jabuuti dhamaadkii bishii December ee lasoo dhaafay, iyada oo laga soo saaray dhowr qodob oo ay dhinacdu isku afgarteen.

Qodobadii ugu muhiimsanaa shirkaas ee la xusi karo, waxaa ka mid ahaa in laba dhinac ay ku heshiiyeen in muddo 30 maalin ah la isla meel dhigo arrimaha masiiriga, in laga wada shaqeeyo sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa Gobollada ay colaaddu ka jirto iyo in laga fogaado hadallada xanafta leh ee wax u dhimi kara hannaan socodka wada xaajoodaka labada dhinac.

Dhammaan qodobadaas wax ka hirgalay ma jiraan kadib todobo bilood, waxaana la dhihi karaa xiisaddu waxay gaartay meel ka darn sidii hore.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here