Thursday, September 26, 2024

Sool xaggeed geysay? Saameynta heesaha iyo doorashada Somaliland

Hargeysa (Dawan)- Heesaha lagu dhaliilayo xilli maamulkii Muuse Biixi ayaa kor u qaaday ololaha doorashooyiinka Somaliland, waxayna hadal badan ka abuureen baraha bulshada.

“Doorkii horaan siganay, oo sahan la’aan guurnay, maantana ku socon meyno, Soomaaliland baa leh.
Sowtaan kuu dhiibnay, Qaran saanad iyo xoog leh oo suga xuduuddisa, Soomaalilaanoo dhan, dadku samo ku naalloodo, nabad iyo midnimo suuban.

Saaskii Cigaal taagay, Daahir iyo Siilaanyo sare beey u qaadeene, adigana sided yeeshay?
Sool Bari xaggeed geysay.
Saxanow difaac Qaran waa sidee? Ma Sideetan iyo Boqol Mayl, Xadkii dib u soo baxbaa? Maya waa si kale! Ma saraakiishii iyo ciidankii oo jeel ku jira ii sacab tumaa? Maya waa si kale”  

Waa qayb ka mid ah erayada heesta 48kii saac ee ugu dambeysay hareysay baraha bulshada Soomaalida. Waxay abuurtay hadal heyn siyaasadeed oo murtiyeeysan.

Hobollo kamid ah Koox-faneedka ugu caansan deegaanada Soomaalida ee Xiddigaha Geeska ayaa heesta qaaday, si qayaxan ayey ula hadleysay madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi.  

Heesta waxay madaxweynaha ku dhaliileysaa inuu dagaalkii Sool uu ku galay ku fashilmay, midnimadii Somalilanna uu dhantaalay, waana eedo siyaasadeed oo saameyn ku yeelanaya doorashada soo socota.

Heesta waxay ku soo beegantay iyada oo doorashada waqtigeeda dhaaftay ay ka harsan yihiin wax ka yar 60 maalin oo kaliya, taas oo shidaal cusub ku shubeysa olalaha ay axsaabta saddexda ah ugu jiraan hanashada codadka dadweynaha.  

Isla muddada 48-ka saac ah waxaa jiray ilaa saddex hees oo kale oo si cad u dhalillaaya waxqabadka Muuse Biixi, isla markaasna shacabka ugu yeera inay xisbiga Waddani u codeeyaan. Heesahaan ayaa ka siman inay muujinayaan in lagu qaldamay “xulashada xisbiga Kulmiye” oo uusan oofin ballamihii uu qaaday.

Yurub Geenyo, Asma Love iyo Khadra Silimo ayaa ah fanaaniinta aadka looga jecelyahay geyiga Soomaalida, waxaana codkooda aad looga dhex oqoonsan karaa heesaha.    

Heesaha waxay kaalin weyn ku leeyihiin wax kabedelka aragtida siyaasadeed ee Soomaalida, waxaana la aaminsan yahay inay yihiin habka ugu haboon ee Soomaalidu aragtiyaha kugudbiso.

Hargeysa waxaa caadi ka ah in fanaaniinta iyo wariyeyaasha maamulka dhaliila in xabsiga loo taxaabo, sidaasi darteed waxaa jira walwal ah in fanaaniinta iyo xubnaha kale ee kooxda la xiro, waxaan ajira baaqyo dhanka bulshada ah oo arrinkaas ka digaya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here