Sunday, September 8, 2024

Soomaaliya ayaa heshay helicopter-ka Bell 412 si ay sare ugu qaaddo dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshay shixnad diyaarado Helicopter-ka ah oo nuucoodu yahay Bell 412, iyo qaar kale oo hub ah, si ay u xoojiso dagaalka ay kula jirto dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Labo diyaaradood oo nooca helicopter-ka ah ee Bell 412 ayaa yimid Muqdisho bishii Luulyo, halka saddex kalena dhawaan la keeni doono.

Bell 412 waa helikobtar mataano ah oo loo isticmaalo u jeedooyin kala duwan, oo ay ku jiraan gaadiidka ciidamada, daadgureynta caafimaadka, goobidda iyo samatabbixinta. 

Waxaa lagu tiriyaa inay tahay diyaarad la isku halayn karo.

Imaanshaha diyaaradaha helicopter-ka ee Bell 412 ayaa ah mid si weyn u xoojinaya dadaallada dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah dagaalamayaasha AL SHABAAB. 

Diyaaradahan Helicopters-ka ah ayaa dowladda u sahli doona in ay si deg deg ah ciidamo iyo sahay u geyso deegaanada fog fog, sidoo kale waxa ay awood u yeelan doonaan in ay gurmad u fidiyaan askarta ku dhaawacanta dagaalka.

Balse Ilaa hadda ma cadda in Soomaaliya ay si toos ah u bixisay lacagaha helikabtarradan, iyo in iyaga loogu deeqay. 

Tirada helikabtarrada ee laga soo xigtay ilo militari ayaa tilmaamaya in ay gaarayaan ilaa shan wadarta guud.

Imaatinka diyaaradaha helicopter-ka ee Bell 412 ayaa Soomaaliya u ah mid soo dhawaynaysa guulaha dagaalka. Diyaaradahan Helicopters-ka ah ayaa dowladda ka caawin doona sidii ay muwaadiniinteeda uga difaaci lahaayeen Al-Shabaab.

Marka laga soo tago diyaaradaha helicopter-ka ee Bell 412, dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale bilihii la soo dhaafay heshay hub badan oo cusub. Tan waxaa ku jira 120mm hoobiyeyaal, qoryaha lidka diyaaradaha ee Zu-23, iyo hub kale oo culus. Kuwaas oo ay ku deeqeen dawladaha isbahaysiga ah.

Dowladda ayaa sidoo kale ku howlaneed sidii ay ciidamadeeda u tababari lahayd, isla markaana ay sare ugu qaadi lahayd tayadooda sirdoonka. Dadaaladan ayaa ah kuwo miro dhal ah, waxaana ciidamada Milatariga Soomaaliya u suurtagashay in ay guulo la taaban karo ka gaaraan Al-Shabaab bilihii lasoo dhaafay.

Dowladda Soomaaliya ayaa wali wajaheysa caqabado kala duwan, balse waxa ay horumar ka sameyneysaa dagaalka ay kula jirto  Al-Shabaab. 

Imaatinka diyaaradaha helicopter-ka ee Bell 412 ayaa ah mid si weyn u xoojinaya dadaallada iyo dagaalka ay ku lajirto dowladda dagaalamayaasha Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here