Friday, September 20, 2024

Soomaaliya: Dilka Haniyeh waa mid ka baxsan xeerarka caalamiga ah

Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii lagu dilay madaxii xafiiska siyaasadda ee ururka Xamaas, Ismaaciil Haniyeh, ee ka dhacay magaalada Tehran ee caasimadda Iran.

Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay weerarkaas inuu ahaa mid ka baxsan xeerarka caalamiga ah iyo bini’aadantinimada.

” Soomaaliya waxay walwal ka qabtaa in ay sii kordhaan colaadaha keeni kara xad-gudubyo badan oo ka dhan ah dadka rayidka ah ee aan isdifaaci karin, isla markaana horseedaya in Bariga Dhexe uu ka qarxo dagaal ballaaran” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

Soomaaliya ayaa caddeysay mowqfkeeda ay uga soo horjeeddo dilalka siyaasadeed iyo rabshadaha nooc kasta oo ay yihiin iyo ujeedo kasta oo laga leeyahay, waxeyna hoosta ka xariiqday baahida loo qabo in beesha caalamku ay qaadato mas’uuliyadeeda oo ay qaado tillaabooyin degdeg ah si loo soo afjaro gardarrada Israel ee ka dhanka ah Gaza iyo ku xadgudubkeeda sharciga caalamiga ah iyo qaraarada Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay dowladda Falastiin, shacabkeeda iyo qoyskii uu ka baxay Dr. Haniyeh iyo ninkii la joogay, xilligii lala beegsaday duqeynta.

Sidoo kale, Culaamaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa si kulul u cambaareeyay  dilka hogaamiyihii siyaasada ee Xamaas  Ismaaciil Haniyeh, iyaga oo muujiyay sida  ay u garab taaganyihiin dadka reer Falastiin iyo sida ay uga xunyihiin dilka Hogaamiye Ismacil Haniyeh, sida laga sheegay shirweynaha Culamada Soomaaliyeed ee ka socda Muqdisho.

Dhanka kale xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay  dilka hogaamiyihii siyaasada ee ururka  Xamaas ismacil Haniyeh, iyaga oo u tacsiyeeyay reerkiisa iyo shacabka Falastiin

Xidhlibaan Maxamed Sheekh Axmed oo ka hadlay dilka Haniyeh ayaa sheegay in uu ka turjumayo  dilkaasi xasuuq ka dhan ah  dadka Reer Falastiin.

Mowqifkaan  mideysan ee culimada  iyo xubnaha siyaasadda ayaa muujinaya taageerada dadka Soomaaliyeed  ay u hayaan qaddiyadda Falastiin.

Ururka Xamaas ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay, xilli hore ee maanta in la dilay madaxii dhanka siyaasadda, ee ururka, Ismaaciil Haniyeh, kadib duqeyn ay Israel la beegsatay guri uu ku sugnaa oo ku yaal caasimadda Iran ee Tehran.

Telefishinka qaranka Iran ayaa sidoo kale baahiyay dilka Ismaaciil Haniyeh loogu geystay magaalada Tehran. Warbaahinta Iran oo soo xiganaysa mas’uuliyiinta dalkaas waxay sheegtay inuu socdo baaritaan la xiriira dilka hoggaamiyihii Xamaas, iyada oo lasoo bandhigi doono dhawaan.

Markii ugu dambeysay ee muuqaalkiisa la arko waxay ahayd fiidnimadii talaadada xilli uu ka qayb gelaayay xafladdii caleema saarka madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here